Dawladda Pakistan,ayaa ku hanjabtay tallaabo in ay ka qaadayso Afganistan oo ay ku eedaysay in dalkeeda laga soo abaabaulay qarax salaasadiii

0
2
Dawladda Pakistan,ayaa ku hanjabtay tallaabo in ay ka qaadayso Afganistan oo ay ku eedaysay in dalkeeda laga soo abaabaulay qarax salaasadiii ka dhacay oo qasaare dhimasho iyo dhaawac sababay.
Wasiirka Difaaca Pakistan ayaa sheegay, in Pakistan aanay meesha ka saari karin inay tallaabo ka qaado Afghanistan, ka dib qaraxii Salaadadii ka dhacay banaanka maxkamad ku taal magaalada Islamabad ee caasimadda dalka Pakistan.
Wasiirka difaaca Pakistan oo la hadlayay telefishan Pakistani ah, wuxuu sheegay in weerarrada noocaas ah loo arko bilowga gardarro mustaqbalka ah oo kaga timi Afghanistan.
Xidhiidhka Pakistan iyo Afghanistan ayaa si weyn u xumaaday bilihii la soo dhaafay.
Pakistan waxay ku eedeysay Daalibaan ka Afghanistan inay hoy u yihiin kooxaha xagjirka ah, iyadoo sheegtay in weerarrada lagu qaado Pakistan, lagu qorsheeyo oo laga soo abaabulo gudaha xuduudaha Afghanistan.
Dawladda Daalibaan ayaa beenisay eedaas.