Digniin Hay’adda Dhawrista Tayada iyadoo gudanaysa waajibaadka shaqo ee ay masuulka ka

0
102
Digniin
Hay’adda Dhawrista Tayada iyadoo gudanaysa waajibaadka shaqo ee ay masuulka ka tahay, waxa ay bulshada Somaliland u cadaynaysaa in Kiniinka sawirkiisu halkan hoose ka muuqdo magaciisuna yahay EBUFAC ay tahay dawo laga been abuuray shirkada soo saaratay sidoo kalena markii Hay’addu samaysay shaybaadh (testing), kuna dhacday halbeega saamaynaya waxtarka iyo shaqada dawada ( active pharmaceutical ingredients).
Sida darteed waxaanu dawadaas ka saari doonaa dhamaan goobaha ganacsi ee ay taalo sida ugu dakhsaha badan. Bulshada waxa aanu ka codsanaynaa in ay nagu soo wargaliyaan goobkasta oo ay dawada ku arkaan.
Sidoo kale waxa ay Hay’addu bulshada iyo Ganacsatada Dawooyinka u sheegaysa in sharciga lala beegsan doono Shirkad kasta oo ka been abuurta dawada ay dalka keenayso.
Faahfaahinta daawada:
Generic name: Ibuprofen 400mg tablet
Brand name: EBUFAC
Batch Number: ER0512q
May be an image of medicine and text that says 'Hay'adda Dhawrista ANADDA DHAYIRT Tayada TANIADA SOMAL SMALLA Bulshada ku dhaqan guud ahaan Somaliland waxaan uga digaynaa dawadan hoos ku qoran. DIGNIIN EBUFAC OTABLETS Ibuprofen Tablets 400mg 400 mg Ebutac Eacht Pacific Ebufac Pacrfic Fbufac Û Decrfc Faahfaahinta daawada: Generic name: ibuprofen 400mg tablet Brand name: EBUFAC Batch Number: ER0512q Call center: 9229'