Ethiopia Oo Raadinaysa Hogaanka Ururka TPLF

0
319

Dowladda Itooobiya ayaa sheegtay inay Beegsanayso oo ay ku raad joogto hogaamiyayaashii gobolka Tigrey, maalin uun ka dib markii ay dowladda federaalka sheegtay inay la wareegtay magaalada madaxda Tigrey ee Mekelle.

Lama oga ilaa iyo imika halka ay ku sugan yahay hogaamiyihii gobolka Tigrey ,Debretsion Gebremichael.

Mr Debretsion ayaa wakaalada wararka ee Reuters u sheegay in dhaqdhaqaaqa TPLF ay sii wadi doonaan dagaalka.

Dhinaca kale safaaradda Mareykanka uu ku leeyahay dalka dariska la ah Itoobiya ee Eritrea ayaa sheegtay in 6 qarax laga maqlay caasimadda, Asmara, shalay galinkii dambe.

Rai’sul wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed ayaa ku tilmaamay hoggaanka Tigrey inay yihiin dambiilayaal.

Xilli dowladda fedaraalka ay sheegtay inay la wareegtay caasimadda Tigrey ee Mekelle ayaa waxaa uu Mr Abey qorsheynayaa inuu badalo maamulkii hore ee gobolkaasi lana dhiso mamaul cusub.

Balse hogaamiyayaasha Tigray ayaa waxay wacad ku mareen inay sii wadi doonaan dagaalka ay ku raadinayaan xaqa ay dadkooda u leeyihiin aaya ka tashigooda.

Arrintan ayaa waxaa ay muujinaysaa suurtagalnimada dagaal jabhadeed oo ka bilaabmay gobolkaasi.

BBCSOMALI