Ganacasade Reer Berbera Ah Oo Cabasho Xoogan Ka Muujiyay Dhibaatooyin Loogu Geystey Awooda Gudida Korontada Berbera

0
367

Mid kamid ah Ganacsatada caanka ka ah Berbera Axmed Colaad oo kaalin Shidaal ku haysta Gudaha Magaalada ayaa,cabasho xoog leh ka muujiyay Gudida Maamusha Korontada Magaalada Berbera, oo culays saarey kadib markii ay Lacag Fara badan ku Xukumeen dhismaha ay ka joojiyeen oo la dul dhigay Xadhkaha Leydhka.

Ganacsade Axmed Colaad,oo Shabakada Wararka hadhwanaagnews uga waramey culeyska la saarey,iyo khasaaraha hore uga soo gaadhey,Warshadda Korontada Berbera ayaa sheegay,in ay ka gubeen laba Bam oo kuwa Shidaalka ah kuwaas oo ay ku gacan saydheen in ay la eegaan khasaaraha.

Maamulka Warshadda Leydhka Berbera,ee Awooda ku qaatey halkaasi maadama ay Shacabka u sheegeen markii hore,in ay Dawlladu leedahey,oo qiimaha u jaban oo

0.3 ah halkii kiiloo waat ka qaadi doonaan,iyagoo ka fara maroojiyey dadkii usoo samrey in ay leydhka u shidaan Berbera,waxa ay haddana caadaysteen tacadi iyo xurmo la,aan ay Ku hayaan macaamiisha iyagoo dhagaha ka furaysta cabashada,Shacbiga danyarta ah iyo guud ahaanba Bulshada islamarkaana, aan wax magdhaw ah ka bixin wixii khasaare ah ee Leydhku sababo ha noqdaan Qalabka uu gubo,ama naftii ku baxdaba halka dhinacoodda cida wax dhibaato ah iyagga u geysata ay ka qaadaan lacago magdhaw ah oo Qeyra sharci ah,maadaama oo aaney jirin habayaraatee cid La tartamaysa ,Tusaale ahaan Anigga waxa laydhku Iga gubey laba bam oo kuwa shidalka ah iyo kombiyuutar,waaney iiga dhaarteen in ay khasaaraha ila eegaan”Sidaa Waxa yidhi Ganacsade Axmed Colaad Jaamac oo si xoog ah cabasho uga muujiyey Gudida Kootada ku haysta Leydhka Berbera.

Waxaanu intaa ku darey hadalkiisa “Khasaaraha Bamka igaga gubtey waxa uu dhacey kadib markii uu go,ay dabka Niyutarka guud ee Warshadu,Waxaan ku noqnoqonayey mudo lix bilood ah laakiin, wax tix galin ah igama ay siin khasaarhaasi,oo igu kacey 8000$(Sideed kun) oo Dollar anigoo taa xanuunkeedii la ildaran ayey maantana igu yidhaahdeen af adag waxaad bixisaa 5240$ oo dollar kadib markii aan damcey in aan kor u qaado dhismaha Gurigeyga Ganacsiga ee Kaalinta oo kuyaala Faras Magaalaha Berbera halkaas,oo ay iyana ii sheegeen in ay dul marsadeen Xadhkaha leydhka ay geyn doonaan Dekedda oo aan hadda Active aheyn,kaas oo aan u xanibnaa mudo sadex bilood ah”Ayuu yidhi Axmed Colaad.

Waxaanu hadalkiisa raaciyey,in uu Xukuumadda Dhexe ee Somaliland ka codsanayo,in ay hoos u eegaan dhibaatada Shacabka islamarkaana, ay ku celiyaan sidii laga filayey isbdelka gacanta Dawllada Korontada Berbera,maadaama, oo ay tahey asadkii Dawllada oo Labaatan Milyan oo dollar sanad walba ay ka urursadaan Shakhsiyaad uu ka mid yahey Wasiirkii hore ee Hawlaha Guud iyo Xasan oo maamulkooda Guud ah.

Ugu Dambeyntii,Ganacsade Axmed Colaad waxa uu ugu baaqey Ganacsatada Garab raratada ah ee Dhigiisa ah ee kunool Gudaha Magaalada Berbera,oo dhibtan la qaba intooda badani in ay Mudaharaadka ay ku taageerayaan Madaxweynaha ee Joojinta Saldhiga Milatari ku daraan dhibaatada Korontada.

Xigasho Shabakada Wararka

Hadhwanaagnews

Cabdiraxman Hiiraan