Golaha Guurtida Jamhuuriyadda Somaliland ayaa si weyn u bogaadiyay dadaallada socda ee ku aaddan raadinta aqoonsiga caalamiga ah,

0
63
Golaha Guurtida Jamhuuriyadda Somaliland ayaa si weyn u bogaadiyay dadaallada socda ee ku aaddan raadinta aqoonsiga caalamiga ah, gaar ahaan kuwa laga wado dalka Maraykanka.
Mudanayaasha Golaha Guurtida ayaa ku baaqay in loo midoobo dadaalladaas shacab iyo dowlad labada ba.Intii uu socday dood ku saabsan siyaasadda arrimaha dibedda, Xildhibaanadu waxay si gaar ah u bogaadiyeen xubno ka tirsan Baarlamaanka Maraykanka oo taageero u muujiyay qaddiyadda Somaliland.
Waxay sidoo kale carabka ku adkeeyeen in fursaddan la xoojiyo si loo gaadho himilada ah aqoonsi buuxa oo caalami ah.