Guddida Arrimaha Dibedda, Iskaashiga Caalamiga ah, Qorshaynta iyo Maalgashiga ee Golaha Wakiillada JSL

0
9
Guddida Arrimaha Dibedda, Iskaashiga Caalamiga ah, Qorshaynta iyo Maalgashiga ee Golaha Wakiillada JSL ayaa qabatay kulan lagu daah-furayay qorshe mashruuceed ku saabsan sharciga horumarinta wershadaha iyo wax-ka-beddelka Xeerka Maalgashiga (Xeer Lr. 99/2020).
Kulanka waxa ka qaybgalay wasaarado iyo ururo ay ka mid yihiin wasaaradaha Maaliyadda, Maalgashiga, Ganacsiga, Rugta Ganacsiga iyo Wershadaha, iyo Ururka Wershadlayda. Garyaqaan Cabdiraxmaan Hirad ayaa soo bandhigay qorshaha, isagoo sharaxay muhiimadda is-waafajinta labada xeer si loo horumariyo dhaqaalaha iyo maalgashiga.