Guddida doorashooyinka somaliland ayaa markii ugu horaysay ka hadlay kursiga lagu muransan yahay ee ka banaan golaha wakiilada somaliland.
Gudoomiyaha guddida doorashooyinka Cabdiqaadir Iimaan Warsame oo goor dhawaayd la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay soo gaadhay dooda laba masuul oo ku muransan kursi ka banaan golaha wakiilada somaliland.
Gudoomiye Cabdiqaadir Iimaan waxa uu sheegay in xogta ay hayaan ay sheegayso in dhinaca kala saraynta codadka uu horeeyo Maxamed Muuse Abees, halka kala horaynta xubnaha kaydka ahna uu horeeyo Xuseen Axmed Caydiid, isaga oo cadeeyey inay u gudbiyeen maxkamada sare ee somaliland kana codsadeen inay u soo kala saarto labadaas masuul midka xaqa
u leh inuu buuxiyo kursiga ka banaan golaha wakiilada.
Dhinaca kale gudoomiye Cabdiqaadir Iimaan waxa uu ganafka ku dhuftay war ka soo yeedhay siyaasi Cabdilaahi Jawaan, kaas oo mar uu u waramayey Hadhwanaagnews sheegay in la gubay xogtii doorashada baarlamaanka ee dalka ka dhacday sanadkii 2005.
Gudoomiye Cabdiqaadir Ayaa sheegay inaanay waxba ka jirin warka Siyaasi Cabdilaahi Jawaan, waxaanu sheegay inay uga fadhiyaan cadaynta warkaasi