Guddidii uu hore madaxwaynaha Somaliland ugu magacaabay xal u helista korodhkii ay shirkadaha Isgaadhsiintu ku sameeyeen adeegyada Internet-ka iyo ku hadalka Telefoonka, ayaa soo saaray go’aano xal u ah arrintaasi, kadib markii ay kulamo la yeesheen shirkadaha Isgaadhsiinta oo iyagu dhankooda soo bandhigay waxyaabaha kalifay inay hal mar korodhiyaan qiimaha adeega Internet-ka iyo ku hadalka, taasi oo bulshadu ay si wayn uga biyo diideen.
Guddida madaxwaynuhu arrintan u saaray oo ka kooban wasiiradda wasaaradaha Isgaadhsiin, Duulist iyo Hawada, ganacsiga iyo Diinta iyo Awqaafta oo maanta soo saaray go’aamo, ayaa waxa bulshada la wadaagay wasiirka wasaaradda Duulista Hawada iyo horumarinta Madaaradda Fu’aad Axmed Nuux.
Go’aamada guddida soo saartay ayaa waxa ka mid ah, inay reeban tahay macaamil kasta oo ganacsi oo dhibaato u keenayay bulshada Somaliland, sida in shirkaduhu wakhti isku mid ah ay ku kordhiyaan qiimaha.
Sidoo kale in shirkadunu isbadelka qiimayaasha u sameeyaan si waafaqsan shuruucda dalka iyo sidoo kale in Hay’adaha dawladda ee ay khusaysaa ay soo diyaariyaan Xeerarka kala ah Xeerka ilaalinta macaamiisha, Xeerka ka hortaga Kootadda, sidoo kale waxa reeban in la waxyeeleeyo nafta iyo hantida, cidii ku kacda falal noocaasi oo kale ahna, waxa laga qaadi doonaa tallaabo sharciga waafaqsan.


















