Kulan wadatashi oo aad u muhiim ah ayaanu maanta ku wada qaadanay Hoolka Shaqaalaha dhamaan Agaasimayaasha Guud Ee Wasaaradaha iyo Hayadaha Madaxa Banaan Ee Dawlada.
Kulankan oo aanu kaga wada hadalay barnaamijka dib u habaynta shaqaalaha Dawlada si gaar ahna waxaanu aaraah iyo feker isaga waydaarsanay arrimahan;
1)Ahmiyada Aasaaska waaxyaha cududa shaqaalaha ee wasaaradaha iyo Hay’adaha Madaxa Banaan
2) Dhamaystirka diiwaangelinta shaqaalaha Dawlada intii hadhsanayd iyo Soo saarista liisaska shaqaalaha wasaarad iyo hayad kasta oo dhamaystiran
3) Qabyo qoraalka xeerka shaqaalaha dawladu iyo kaalinta agaasimayaasha guud oo ka mid ah shaqaalaha dawlada iyo xaquuqaha ka dhalanaya ee uu siinayo agaasimayaasha guud iyo
4) Qaabdhismeedka cusub ee Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dawlada Ee Madaxda banaan iyo sidii loo hirgelin lahaa. Waxaan agaasimayaasha guud la wadaagay muhiimada shirkani iyo siduu waxtar u yeelanayo danta iyo horumarka qaranka. Waxaanu ereyadaydii ka mid ahaa; Madaxwaynuhu waxuu xilka uu qaranka gadhwadeenka ugu yahay inuu cugto team la shaqeeya isagoo Bulshada inooga soo xulay inaga inay aynu gacanyarayaashiisa u noqono. Waad ogtihiin wasiiradu waa siyaasiyiin ku mashquulsan inta badan siyaasada xukuumada iyo jaangoynteeda (political figures), waxaase waxii farsamo ah iyo kaalinta ugu mudan ee shaqada ku jira agaasimayaashiina taas ayaa ka dhigtay kaalintiina in ay tahay halka qaranka laga toosin karo sidoo kalena hadii aynu inagu danta Hayadaha aynu ka tirsan nahay u fekeri wayno oo iskutashan wayno inoogu isku feker ahna horumarka iyo waxii dan u ah qaranka horumarna gaadhsiinaya bulshada aynu u adeegno ka hawlgeli wayna ama fulin wayna waxay noqonaysaa ama ka dhigayso in hiraalkii madaxwaynaha iyo balanqaadadii la sameeyay ay adkaanayso in la gaadho oo wada fulaan. In wax inoo hirgalaan oo fulaana waxa idinkana masuul idiin ka sii ah gacanyaraashiina oo ah madaxda waaxyaha iyo shaqaalaha idinla shaqeeya oo hayadani masuul uga tahay qaranka markay noqoto meelayntooda, daryeelkooda iyo weliba dalacsiintooda intaba.
Sababtaas awgeed ayay muhiim u tahay in aan halkan isugu nimaadno. Ka hayad ahaan waxyaalo badan ayaan jecelay in aan halkan idinkula wadaago si aan isula jaanqaadno waxaana kow ka ah barnaamijka xukuumada ee dibu qaabanaynta shaqaalaha iyo waxii ajendaha shirku toos u taabanayo in aan isla meel dhigno.
Run ahaan shirkaasi waxuu ahaa mid miisaan wayn oo waxtar u leh Shaqaalaha qaranka iyo guud ahaan bulshada loo yahay adeegayaasha. Qodobadii la isla meel dhigayna waa qaar warbixin hab qoraal ah lagula wadaagi doono masuulyiintii ka soo qayb galay.
Waxaan halkan mahad aan la soo koobi karin uga naqayaa si u cuntanta oo milge leh dhamaan agaasimayaasha guud Ee wasaaradaha iyo Hayadaha dawlada oo In safar shaqo Ku maqan mooyee intoodii kale ka soo qayb galeen kulanka taasina waa marag muujinaya sida ay u yihiin aqoonyahan iyo hogaamiyayaal maamul oo ay ka go’an tahay in isbadal la sameeyo iyo in si Wadajir ah loo xaqiijin karo talaabooyin togan oo Wax ku ool u ah dhinacyada maamul wanaaga, tayaynta shaqaalaha, toosinta shaqada si looga dhabeeyo gaadhista hiraalka ( vision) xukuumada JSL.