Maxamed Xasan Cirro ayaa noqday guddoomiyaha cusub ee guddiga doorashooyinka dadban ee dalka Soomaaliya.
Guddoomiyaha la doortay ayaa ku guuleystay wareegii labaad isagoona helay codad gaaraya 14 cod, iyadoo Liibaan Maxamed Xasan oo la tartamayayna uu helay ilaa 10 cod.
Guddoomiyaha doorashada ku guuleystay Maxamed Xasan cirro ayaa horay u ahaa guddoomiyahii guddigii lagu murunsanaa ee doorashoyinka dalka, waxaana lagu wadaa in si toos ah maalmaha soo socdo loo guda galo arrimaha doorashoyinka dalka.