Guddoomiyaha Hay’adda Caymiska Qaranka, Mudane Axmad Xirsi Ducaale , iyo Gudoomiye ku-xigeenka Hay’adda Caymiska Qaranka, Mudane. Cabdirashiid Saleeban Mohamed , ayaa maanta hortagay Guddida Dhaqaalaha, Maaliyadda iyo Ganacsiga ee Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland.

0
4

Kulanka oo uu shir-guddoominayay Guddoomiyaha Guddida, Md. Xuseen Ismaaciil Yuusuf, ayna ka qayb-galeen xubnaha guddida, ayaa ujeeddadiisu ahayd in lagu qiimeeyo lana hubiyo xilka iyo waajibaadka loo igmaday masuuliyiinta Hay’adda Caymiska Qaranka.
Intii kulanku socday, xubnaha guddidu waxay Hay’adda ka weydiiyeen su’aalo dhawr ah oo ku saabsan hawlaheeda shaqo iyo qorshayaasha dhow ee ay fulin doonto. Masuuliyiinta Hay’adduna waxay si hufan, cad, faah-faahsan uga jawaabeen su’aalaha, iyagoo soo bandhigay himilooyinka iyo qorshayaasha istaraatiijiga ah ee mustaqbalka, iyo waxyaabaha u qabsoomay muddadii ay xilka hayeen.
Gabagabadii, Guddida Dhaqaalaha ayaa xaqiijisay inay sii wadi doonaan wada shaqaynta joogtada ah ee ku saabsan hawlaha caymiska, si loo hubiyo in hantida qaranka loo adeegsado si masuuliyad, hufnaan,oo sharciga waafaqsan.
Xafiiska Xidhiidhka Dadweynaha iyo Warbaahinta
Hay’adda Caymiska Qaranka JSL