Guddoomiyaha hay’adda dhawrista tayada ee JSL ayaa sheegay in shilalka gaadiidka ay qayb ka yihiin Taayarada gaadiidka ee la keenayo wadanka oo ah kuwo aan tayadoodu wanaagsanayn, isaga oo xusay in sidoo kale ay sameeyeen heer-tayeedyo lagu xakamaynayo Shiidaalka dalka so galaya, madaama oo sida uu xusay shiidaal dalka soo galay uu galaaftay gaadiid badan.
“Sanadkii 2018-kii waxa Somaliland la keenay Shidaal aan dalka lagu istimcaali jirin oo galaaftay gaadiid badan,kuwaas oo ku xumaaday gobolada dalka, waxa uu ahaa shiidaal xabag leh oo gaadhigu sida uu u socdo uun buu istaagayey. Wadankeena sidoo kale taayaro badan oo bacad yaal ah ayaa laynoo soo dejiyaa,markii gaadhigii lagu xidho adoo qiimaha jaban eeganaya ayaa hadhaw la odhanayaa gadhigii baa dhacay oo taayar baa u qarxay ” Guddoomiyaha Hay’adda Dhawrista Tayada



















