War cusub oo ka soo baxay Maxkamadda Sare ee JSL
“Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mudanayaasha Golaha Deegaanka oo ay hoggaaminayeen Duqa Caasimadda Hargeysa iyo ku xigeenkiisu.
Ujeedada kulanka Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Aadan Xaaji Cali Axmed iyo xubnaha Golaha Deegaanka Hargeysa oo ay hoggaaminayeen Duqa Caasimadda Hargeysa Cabdikariin Axmed Mooge iyo ku xigeenkiisu Khadar Axmed Cumar ayaa daarnaa ilaalinta xasaannada mudanayaasha Golaha Deegaanka, sida uu jidaynayo Qodobka 28 faqradiisa saddexaad ee Wax-ka-bedelka iyo kaabista Xeerka Ismaamulka Gobolada iyo Degmooyinka Xeer Lr.
23/2019 oo tibaaxaysa in aan xubinta golaha deegaanka aan la qaban karin haddii aan ogolaansho laga haysan golaha ama aanu fal dambiyeed faraha kula jirin si waafaqsan xeerka Ciqaabta. Arrintan ayaa daba socotay xadhig dhawaan ku dhacay mudane ka tirsan golaha deegaanka Hargeysa.
Guddoomiyuhuna waxa uu siiyay taladii sharci ee ay ugu yimaadeen golaha deegaanka Hargeysa, maadaama aanay usoo gudbin dacwad arrintan la xidhiidha, waxana uu xusay in hay’adaha dawladdu ay ilaaliyaan xasaannada mudanayaasha sida uu xeerku dhigayo xildhibaanaduna sharciga dhawraan.” Sidaa waxa lagu yidhi qoraal ka soo baxay Xafiiska Warbaahinta Maxkamadda Sare ee Somaliland.