Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland oo Xadhigga ka Jaray Hool Cusub oo Lagu Soo Kordhiyay Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex

0
3
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland oo Xadhigga ka Jaray Hool Cusub oo Lagu Soo Kordhiyay Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex
Hargeysa – 12 Nofeembar, 2025 – Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland, Garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed, ayaa maanta si rasmi ah xadhigga uga jaray hool cusub oo lagu soo kordhiyay Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex, kaas oo loogu talagalay dacwadaha xidhan ,Munaasibadda furitaanka hoolkan cusub ayaa waxaa ka qaybgalay Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Somaliland Garyaqaan Cali Suudi, Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex Garyaqaan Cabdi Qawdhan Cabdi, Guddoomiyaha Maxkamadda Degmada Hargeysa Garyaqaan Yaxye Xuseen Yusuf , garsoorayaal, kaaliyayaal iyo xubno kale oo ka tirsan hay’adaha garsoorka dalka.
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed, oo halkaasi ka hadlay, ayaa ugu horrayn dul istaagay maraaxilkii uu garsoorka Somaliland soo maray iyo sida uu maalinba maalinta ka dambaysa horumar u gaadhayay, isaga oo tilmaamay in maxkamaduhu ay shaqo ballaadhan u hayaan qaranka, isla markaana ay yihiin meelaha ay bulshadu u soo doonto cadaalad, kana qayb qaata ilaalinta amniga dalka.
Guddoomiyuhu waxa uu ugu baaqay howl-wadeenada garsoorka in ay wax kasta ka horraysiiyaan shaqada ay qarankooda u hayaan, ayna cadaalad ugu shaqeeyaan dhammaan bulshada.Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa sheegay in hoolkan cusub uu fududaynayo dacwadaha kala duwan ee ka socda Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex, isla markaana uu culayska ka yareynayo hoolalka kale ee dacwadaha lagu qaado, isaga oo xusay in garsoorku ku dadaalayo in la kordhiyo hoolalka dacwadaha lagu qaado si loo dardar-geliyo adeegyada cadaaladeed ee bulshada loo hayo. Ugu dambayn, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ayaa ku bogaadiyay Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex iyo dhammaan Howlwadeenadii qaybta ka qaatay Higralinta hoolkan cusub, isagoo amaanay dadaalka ay muujiyeen iyo sida ay ugu heelan yihiin kor u qaadista adeegyada garsoorka dalka.
Xafiiska Warbaahinta Maxkamadda Sare ee Somaliland