Guddoomiyaha xisbiga tallada dalka haya ee WADDANI Md. Xirsi Cali X. Xasan oo ay weheliyaan guddoomiye ku-xigeenada xisbiga Maxamed Xaaji Yuusuf Waabeeye iyo Cabdirashiid Maxamed X. Yuusuf maanta kulan muhiim ah la yeeshay xildhibaannada

0
2
Guddoomiyaha xisbiga tallada dalka haya ee WADDANI Md. Xirsi Cali X. Xasan oo ay weheliyaan guddoomiye ku-xigeenada xisbiga Maxamed Xaaji Yuusuf Waabeeye iyo Cabdirashiid Maxamed X. Yuusuf maanta kulan muhiim ah la yeeshay xildhibaannada golaha wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland.
Kulankan uu guddoomiye Xirsi Cali X. Xasan la yeeshay xildhibaannada golaha wakiillada ayaa ujeeddadiisu ahayd is-xog waraysi guud, guddoomiyaha ayaa sidoo kale warbixin ka siiyey xildhibaannada safaradii ay ku mareen dalalka Kenya, Itoobiya iyo Koorfur Afrika.
Gabagabadii guddoomiyaha iyo xildhibaanadu waxa ay isla qaateen in la xoojiyo wada shaqaynta u dhaxaysa xukuumadda, xisbiga iyo xildhibaanada golaha wakiillada.
Xafiiska warbaahinta xisbiga WADDANI