Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Mudane Xirsi Cali X. Xasan ayaa Xarunta dhexe ee Xisbiga ku qaabilay xubno wasiirro ah iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Xukuumadda Wadajir iyo Waxqabad.
Wasiirka Diinta iyo Awqaafta, Wasiirka Cadaaladda, Wasiirka shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Wasiirka Macdanta iyo Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha oo uu wehelinayo maareeyaha haamaha keydka shiidaalka JSL ayaa booqasho ku yimi Xarunta dhexe ee Xisbiga Muxaafidka ah ee WADDANI , waxaana halkaa ku soo dhaweeyey Guddoomiye Xirsi Cali X Xasan.
Guddoomiyaha iyo Xubnaha Wasiirrada ah ayaa ka wadahadlay wadashaqaynta Xisbiga iyo Xukuumadda si kor loogu qaado isku xidhnaanta labada dhinac.





+4
All reactions:
121