Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada oo Qado-sharaf ku maamuusay Gurbo-joogta, Ganacsatada iyo Masuuliyiinta Gobolka Sool.
Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, ahna Ku-simaha Guddoomiyaha, Mudane Siciid Mire Faarax (Giire), ayaa maanta qado-sharaf ku maamuusay Gurbo-joog iyo waxgaradka kasoo jeeda Gobolka Sool.
Kulankan oo lagu qabtay magaalada Hargeysa, ayaa qayb ka ahaa dadaallada lagu adkaynayo nabadda iyo isku soo dhawaanshiyaha bulshada walaalaha ah ee shaqaaqadu dhex martay mudooyinkii u dambeeyay, isla markaana lagu xoojinayay wada-shaqaynta iyo is-fahanka ka dhexeeya bulshooyinka walaalaha ah ee wada deggan.
Martida qado-sharafta gudoomiyuhu u sameeyay waxaa kamid ahaa Foosi Maxamuud X. Nuur iyo Kanadiid Maxamed Khaawi, kuwaas oo ka yimid wadamada Maraykanka, Qadar iyo Canada, kuna sugan dalka si ay uga qayb qaataan dadaallada nabadeed iyo is-fahamka bulshada walaalaha ah ee Gobolka Sool.
Sidoo kale, kulanka waxaa goob-joog ka ahaa Wasiirro ka tirsan Xukuumadda, Garyaqaanka Guud ee Qaranka, Xildhibaano, Maayir-ku-xigeenka Caasimadda Hargeysa, ganacsato iyo waxgarad kale.
Guddoomiye Ku-xigeenku wuxuu ku bogaadiyay martida doorka muuqda ee ay ku lahaayeen dhismaha nabadda iyo dib-u-heshiisiintii dalka, isaga oo hoosta ka xariiqay in mar kale looga baahan yahay inay doorkooda ka qaataan xoojinta nabadda, wadajirka iyo horumarka Bulshada iyo Guud ahaan qaranka.
Intii lagu guda jiray kulanka, waxaa si qoto dheer looga hadlay arrimo la xidhiidha horumarka nabadda iyo midnimada bulshada, iyadoo la isla qaatay in wada-hadal iyo is-qancin lagu dhameeyo khilaafaad kasta oo hore u jiray.
Guddoomiye Ku-xigeenka ayaa uga mahad-celiyay martida sida ay uga soo qayb-galeen kulanka, isaga oo tilmaamay in wada-hadalka, isu-soo dhawaanta iyo doorka ganacsatadu ay yihiin furaha nabad waarta iyo horumar dhaqaale oo lagu gaadho midnimo qaran.
Dhinaca kale, masuuliyiintii, ganacsatadii iyo waxgaradkii kasoo qaybgalay qado-sharafta ayaa uga mahadceliyay Guddoomiye Ku-xigeenka martiqaadka, waxayna sheegeen inay diyaar u yihiin in ay kaalin muuqata ka qaataan xoojinta nabadda, dib-u-heshiisiinta iyo horumarinta bulshada walaalaha ah.


















