Guddoomiyaha barlamaanka federalka Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheikh Cabdiraxmaan, ayaa mar kale ku celiyay in uusan dalku gelidoonin firaaq dastuuri islamaarkana barlamaanka hadda jira uu sii joogidoono inta laga dhaarinayo barlamaanka 11-aad.
Guddoomiyaha barlamaanku waxa uu sheegay in dastuurka kumeel gaarka ah uusan marna oggolaanayn in uu dalku galo marxad firaaq ah, isagoo intaas ku daray in barlamaanka 10-aad uu awood uu lahaan doono inuu shaqadiisa caaadiga ah sii wato.
Hadalka guddoomiyaha ayaa kusoo beegmaya iyadoo murashixiinta madaxtinimada qaarkood ay sheegeen in haddii uu dhamaado muddo xilleedka hay’addaha dastuuriga ay u aqoonsan doonaan in uu dalku ku sugan yahay marxalad firaaq ah.