Berbera(Ceelgardinews.com)-Komishanka dorashooyinka Somaliland oo shaqadii ay u yimadeen Gobolka Saaxil Tahli kari waayay inay bilaaban ka dib markii kulamadii ay ugu talo galeen inay la qataan .Qaybaha bulshadu ay qabsoomi waayeen Sababo La Xidhiidha Ifahan Waa soo Kala Dhexgalay Madaxda Gobolka Iyo Bulshada qeybeheeda Kala duwan kadib markii ay bateen Dacwadaha ilaa shalay laga gudbinayo Dalada qaadatay Wacyigalinta Kaadh qaadashada oo ah dalad dadka iyo deegaanka Gobolka Saaxil toona aan kala garanayn lagana soo waariday dhinaca Magaalada Caasimada ah ee Hargeysa Iyada oo wararka qaarna sheegayaan in xubno kamida gudida Doorashooyinku daladan keeneen iyaga oo kusoo xushay hab Xigto iyo Isku xidhnaan Beelaysan.
Komishanka dorashooyinka xubno ka socda oo ah laba masuul oo ka mid ah todobada xubnood ee gudida heer qaran ayaa ilaa maalintii shalay dhexmee hanaabaya gudaha magaalada berbera iyadoo Wakhtigii shaqadu uqorshaynayd ku hagaagi la, inay bilaabaan
Qorshihii hawl malmeedka gudida Doorashooyinka ayaa xogaha aanu ka helay la shegayaa inuu u dhignaa sidan La Kulanka Madaxda gobolka saaxil iyo degmada berbera Ciidamada Amaanka La kulanka cuqaasha gobolka saaxil iyo biloga simirnaarka shaqaalaha ka howl galaaya shaqada bixinta card codbixiyaasha Arimahaasi ayaa waxa loo sibiq saarayaa inay shaqada komishanka dorashooyinku u qabsoomi wayeen Ka dib ururadii wacyi galinta loogu talo galay iyo shaqalihii shaqada balamaha fudaydin lahaa komishanka dorashooyinku ka soo warideen dhalinyaro ay isku hayb yihiin xubnaha komsihanka dorashooyinka hargaysa Geesta kale labada xisbi mucaarid ee Somaliland Ucid Iyo Waddani wakiiladoodi u qaabilsanaa gobolka saaxil ayaa ganafka ku dhufatay guddomiyhii komishanka dorashooyinku u soo cumamadeen gobolka saaxil inuu u qaabilsanado Masuulkaasi oo ah Cismaan Xaashi oo laba jeer oo hore usoo noqday Guddomiyaha komishanka dorashoyinka Gobolka Saaxil ,balse madaxda xisbiyada mucaaridka ah Gobolka Saaxil ayaa masuulkaasi ku eedeyay inuu ka mid yahay shaqaalaha dawlada gaar ahaa dekeda berbera sidoo kalena aanu ku haboonayn inuu Xilkaas qabto
Gudida Doorashooyinka Qaranka ayaan haba yaraatee Ururada horumarinta Bulshada ee Gobolka Saaxil marnaba ugu talagalin ay siiyaan wacyigalinta La Xidhiidha Kadh qaadashada waana ta Maanta keentay inay daladii sida Gacal Miiska ah loo soo siiyay wacyigalinta ay garan waayaan halkay ka bilaabi lahaayeen shaqadii loo igmaday ee ay lacagta badan ee adag ku qaateen