Gudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawlada Mudane Sharmaarke Axmed Muxumed Geelle oo abaal marin shaqo wanaag la gudoonsiiyey
Munaasabad balaadhan oo ay soo agaasimeen ururka dhalinyarada ee SODRA ayaa habeenimadii xalay ka qabsoontau hotelka Bacado ee magaalada Hargeysa.
Munaasabadan oo ay kasoo qayb-galeen qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa muhiimadeedu daarnayd dhiirigalinta iyo abaal marinta tiro dad ah oo dhinacyada kala duwan ee bulshada raad iyo saamayn ku yeeshay Abaal marintan oo sanadkii ba mar ay soo agaasimeen dhalinyarada ururka SODRA ayey ku maamuusaan masuuliyiinta kooban ee ay u arkaan in ay dawladda intii ay ku jireen
gacan muuqata ka gaysteen dedaalada kala duwan ee dhalinyaradu wado. sidoo kalena xilkooda u gutay si magac iyo muunad u ah dhalinyarada Somaliland Waxay sidoo kale dhiirigalin u sameeyaan dhalinyarada hal-abuur ganacsi ama dedaal qofeed sameeyey
sanadkii teggay Haddaba, waxaa munaasabadan abaal marin shaqo hufnaan iyo dedaal la gudoonsiiyey gudoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda Mudane Sharmaarke Axmed Muxumed iyagoo ku sifeeyey shakhsi si sharaf le u metelay dhalinyarada qaranka isla markaana hay’adda shaqaalaha gaadhsiiyey caddaalad iyo in qalinku qiimo yeesho.
Mudane Sharmaake Geelle oo madasha ka hadlay ayaa ka mahadceliyey abaal marinta la siiyey isagoona sheegay in ay u noqon doonto shidaal iyo horusocod Waxaanu xusay in aanu xilka xoolo ka helin lakiin xurmadan oo kale uu ka dhaxlay