Haay’adda Shaqaala Oo Soo Bandhigtay Tijaabo Diwaan Gelin Ah Oo Ay Ku Samaysay Shaqaale Dawladeed

0
312

Hay’adda Shaqaalaha ee Dawladda Somaliland, ayaa diwaangelinta tijaabo ah ku soo samaysay shaqaalaha dawladda ee Magaalo Madaxda Gobolka Gabiley ka hawlgala, waxaana halkaasi diwaangelin hor dhac ah lagaga qaaday tiro ka mid ah shaqaalaha kala duwan ee Gabiley ka hawlgala.

Wefti uu hogaaminaayo Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha ee Dawladda Somaliland md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle, ayaa saaka Subaxnimadii hore oo Maalin Salaasa ay Bishu ahayd 16/1/2018/ka  gaadhay Magaaladda Gabiley ee Gobolka Gabiley, waxaanay halkaasi ka bilaabeen diwaangelin hor dhac iyo tijaabo ah oo shaqaalaha kala duwan ee Dawladda ka hawlgala ee halkaasi ku sugan qaarkood, Shaqaalahan diwaangelinta tijaabadda ah lagu diwaangeliyey ayaa lagaga qaaday
Qalab Casri ah oo Sawirka Indhaha ee “Pilot Registration”  loo yaqaano lagu diwaangelinaayo.

Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha ee Dawladda Somaliland md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle oo qoraal uu ka soo saaray weftiga uu hogaaminaayo ee magaaladda Gabiley gaadhay isla markana  xubno Shaqaalaha Dawladda ee halka ku sugan ka mida diwaangelin hor dhac ah u sameeyey waxa uu qoraalkiisa ku yidhi.

Diiwaangelin tijaabo ah “Pilot Registration” oo aanu maanta Gabiley ka samaynay

– Hay’adda shaqaalaha dawladdu waxay subaxnimadii hore ee saaka socdaal shaqo ku gaadhay gobolka Gabiley halkaas oo ay diiwaangelin tijaabo ah ku soo samaysay tiro kamida shaqaalaha dawladda ee gobolkaas ka hawlgala.

– Muhiimada safarkan ayaa ahaa sidii tijaabo kaba dambays ah looga qaadi lahaa qalabka iyo shaqaalaha ka hawl-geli doonna shaqadan baaxada iyo balaadhnida badan.

– Wixii cashar iyo cibro nooga soo kordhay waanu qoranay waxaana lagu samayn doonnaa dib-u-eegis iyo kaabis, si aanay xiliga shaqada runta ah socoto u dhicin.

– Waxaan u mahadcelinayaa masuulyiinta gobolka Gabiley kuwaas oo uu ugu horeeyo gudoomiyaha gobolka Gabiley iyo guud ahaanba hawl-wadeenada gobolka oo si wanaagsan hawshan noola qabtay.

-Cilmi-korodhsi, Ceelaalyo iyo Carbis ba kadib, MAANTA WAA DIYAAR HAWSHII LOO HEELANAA Idan Alle.

-Somaliland shaqaalaheedu dhawaan wuxuu geli doonnaa geediga casriyeynta iyo dib-u-curasho ku dhisan cilmi iyo carbis, kala hufida halyeeyaga iyo hebedku waa hawsha iyo hiigsiga Hay’adda Shaqaalaha.