Habeenkii xalay magaalada Hargeysa waxa lagu qabtay kulan muhiim ah oo looga hadlayay horumarinta daryeelka bukaanka iyo xoojinta iskaashiga u dhexeeya Cisbitaalka guud

0
12
Habeenkii xalay magaalada Hargeysa waxa lagu qabtay kulan muhiim ah oo looga hadlayay horumarinta daryeelka bukaanka iyo xoojinta iskaashiga u dhexeeya Cisbitaalka guud ee Hargeysa iyo dhakhaatiirta ka shaqeeya cisbitaallada gaarka loo leeyahay.
Kulanka oo uu soo agaasimay Cisbitaalka guud, waxaa ka qayb galay dhakhaatiir khibrad leh, waxaana lagu falanqeeyay aragtiyo iyo talooyin wax-ku-ool ah oo lagu horumarinayo adeegyada caafimaadka. Ugu dambayn, waxaa la gaadhay is-afgarad iyo ballan-qaad ah in la iska kaashado daryeelka bukaanka iyo adeegyada caafimaad ee magaalada.