Hargaysa (Ceelgardinews.com) Xildhibaan Siciid Cartan oo katirsan Xubnaha Golaha Wakiilada Somaliland ee laga soo doortey Gobolka Saaxil ayaa maanta galinkii hore si qiiro iyo xamaasad leh bakoorad ugu kala dareeriyay Xubno salaadiin ah oo qorsheynayay baraamij ay si tuugo ah ugu macneysanayeen Waji ku macaash ay kaga hadalyeen arinta xiisada ka taagan Dekedda Berbera.
Salaadiinta wadey qorshaha Waji kumacaashka ayaa kasoo kala jeeday beelaha sacad muuse iyo ciise muuse balse markaliya kabta iyo jaanta wadhey kadib markii bakoorad lagu kala dareeriyey.
Salaadiyiintan ayaa iyagu ku sugnaa hoolka Huteelka Fish And Staek ee Magaalada Hargeysa ayaa si bilaa kalsooni ah oo cabsasho iyo carar badani ka muuqdo uga yaacey Huteelkaasi iyagoo, midba midka kale ku tiigsadey faraq qabsasho sidoo kale waxaa madashan ku sugnaa Mukhalaska Muuse Biixi ee xiligan uqaabilsan ururinta taageerada hadba looga baahdo Mr Cali-Gobanimo oo isagu odoyaashan soo abaabuley, waxa kale oo ay warar xogogaalka ahi sheegeen in uu cadho iyo hadalo u ku durayo miciinsadey beesha Gobolka Saaxil oo ku celcelinayay.
Dhanka kale Suldaan xuseen oo isagukamida slaadiinta sacad muuse ayaa markii dhacdadan la qaboojiyay kadib hadalo cay ku ku weerarayay beesha ciise muuse isagoo ku dhawaaqayay DEKEDA MA IDINKAA LEH ANIGOO SACAD MUUSE AH AYAAN KA HADLAYAA WAY INOO TAHAY.
Arintan ayaa kusoo beegantey wakhti ay meel xasaasi ah mareyso xiisada ka taagan Wareejinta Dekedda Berbera ee Shirka DP-World iyo cadaadis gaar ah oo mudooyinkan dambe la saarey Salaadiinta iyo Madaxdhaqameedka Gobolka Saaxil oo laga horjoogsadey shirkii ay ku qabsan lahaayeen Deegaanka baxarasaaf,iyadoo beelaha kale ee Bariga Somaliland Xukuumadu u fasaxdey in ay qabsadaan shir beeleedyo,waxaana beesha Gobolka Saaxil u hadalhayaan in ay cadaalad daro u arkaan in la cadaadis lasaaro.