Halkani waa dhismihii tiyaatarka Magaalada Burco, Waxay ahayd xarun lagu soo bandhigo wacyigalinta Bulshada sidoo kale kooxaha fanka, hidaha iyo dhaqanka ayaa dadka kula wadaagi jiray madadaalada.
Dhismahan oo uu Burbur ka soo gaadhay dagaaladii ka dhacay dalka ayaa 30-kii sanadood ee ugu dambeeyey hoy u ahaa qashinka iyo dadka isticmaala maandooriyayaasha,
Waxa xusid mudan in aanay magaalada Burco lahayn goob dadweyne oo ay dowladu leedahay taasi oo Bulshada lagala hadlo, sidoo kalana lagu soo bandhigo kulamada dadweynaha
Badi goobihii dadweynaha ayaa sidan oo kale u dayacan, badhkood ayaa laga iibiyey dad ganacsato ah,
halka qaarkoodna ay meesha ka baxeen ama ay si shaci darro ah uga faa’iidaysteen dad gaar ahi, Waxaana muuqata in doorkii dowlada hoose iyo tan dhexeba ay meesha ka maqan yihiin, goobtanina waxay u baahan tahay badbaadin si bulshadu ay u
munaafacaadsato.
11
1 Comment