Hay’adda Shaqaalaha Dawlad JSL ayaa Qabatay kulan lagu darsayo Qorsheyaashii hore ee Hay’adda iyo Xeerarka Tayaynta Shaqaalaha + Sawiro

0
380

Hay’adda Shaqaalaha Daw;ada Somaliland ayaa qabatay kulan lagu daahfurayay Qorsheyaashii Hore iyo kuwa hadda ee la hindisay ee shaqaalaha dawlada lagu tayaynayo wixii ka qabyoobayna dib loo eegayo.

Gudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawlada JSL Md Sharmake Axmed Geelle oo kulankan daahfuray, ayaa ujeedka laga lahaa ahaa Tayaynta shaqaalaha Dawlada Somaliland waxaana ka soo qayb galay Khabiiro,Shaqaalihii Waayo-araga iyo ruug cadaaga ahaa ee hay’adda Shaqaalaha Dawlada taniyo markii la aas aasay soo maray.

Waxaana kulan lagu lafo guray dabar iyo dadaal wixii qabyoobay,Qorshe walba oo hore lays kugu dayay in lagu tiriyo laguna tayeeyo Shaqaale waynaha Dawlada iyo qorsheyaasha hada gacanta lagu hayo ee

siyaasada Shaqaalaha Dawlada sidii loo fulinlahaa ee suurto galsan.

Gudoomiye Sharmaake Geelle oo sharaxaad kooban ka bixinaya ayaa qoraal kooban ku soo qoray barkulankiisa

“Qorshe walba wixii Qabyeeyey iyo Qaabaynta hawl Qabadka soo socda.

– Waxaanu maanta qabanay kulan xaal iyo xog ogaansho ah oo ruug caddaagii hore ee hay’adda shaqaalaha dawladu xusayeen dabar iyo dedaal wixii qabyeeyey qorshe walba oo horay la isugu dayey in la tiriyo lana tayyeeyo shaqaalaha dawladda JSL

– Waxaa la isla gartay in:
 Gaabis Xirfadeed “Lack of experts” ,
 Gaadiid la’aan “Lack of Vehicles” ,
 Shaqaale aan jirin ama gododleyn bartay “Ghost Workers”
 Diiwaangelin la’aan rasmi ah “Lack of Biological Registration”
ay keentay in la heli waayo xog sugan oo lagu qiyaas iyo qorshe qaadan karo.

– Waxaanu isla meel dhignay in aanu ka gaashaamano wax walba oo iska-caabin iyo cidhiidhi gelin kara shaqadan qaranku wada sugayo.

– Waxaa hubaal ah in shaqadan laga dhaxli doonno shaqaale sugan, shaqo-abuur iyo xog waafi ah oo laga helo xaalada shaqaalaha dawladdu ku sugan yihiin.

– Waxaanu si wanaagsan u qiimaynay Caqabadaha iyo Fursadaha ku gedaaman qabashada shaqadan “SWAT analyzes”

Bilow iyo Bismillah”