Hay’adda Shaqaalaha Dawlada Somaliland ayaa kulan bar bilow u ah tirakoobka iyo dardargalinta tirinta shaqaalaha la qaadatay Agaasime waaxeedyada Maamulka maaliyada iyo shaqaalaha Wasaaradaha Dalka.
kulankan oo ka dhacay Hay’adda Shaqaalaha dawlada ayaa waxaa la isku qaada dhigay sida ugu fiican ee shaqaalaha loo tayayn karo
Gudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawlada Sharmake Geelle ayaa qoraal kooban oo uu soo dhigay Bartiisa Facebook ku sharaxay waxa ujeedku daarnaa:
“Kulan wada-tashi iyo diyaar garow ah oo hay’adda shaqaalaha dawladdu la yeelatay agaasime-waaxeedyada Maamulka & Maaliyada iyo Maamulka Cudduda Shaqaalaha ee dhamaan dalka
– Kulankan ayey muhiimadiisu ahayd dardargelinta shaqada baaxada badan ee dhawaan hay’adda shaqaalaha dawladdu hufid iyo horumarin ugu samayn doonto dhamaan shaqaalaha dawladda
– Intii kulanku socday waxaa lagala hadlay agaasime-waaxeedyada; diyaarinta shaqaalahoodii iyo shuruudaha looga baahan yahay marka xafiiska loogu yimaado
– Waxaan wax kamid kala wadaagnay hiigsiga fog ee qorshahan ku aadan tayyeynta shaqaalaha dawladda kaasoo leh qorshayn, qaabayn, qalabayn , siyaasado iyo shaqo-daadajin ba.
– Waxaa sidoo kale u sheegnay waaxyaha maamulka maaliyada in isla marka la dhameeyo suggida tirada shaqaalaha dawladda iyadoo la kaashanayo bangiga dhexe la hirgalin doonno in qof walba lacagtiisa xisaab isaga u gaar ah ka qaato iyadoona meesha laga saari doonno in qof keliya soo qaado mushaharka iyo gunnada shaqaalaha
– Ugu dambayn waxaan masuulyiinta wasaaradaha iyo hay’addaha dawlada kala wareegnay liisaska magacda shaqaalaha ee ku sugan xarumaha iyo gobolada dalka , kaasi oo aan isku hubin doonno liiska u yaala xafiiska xisaabiyaha guud iyo hay’adda shaqaalaha
Bilowga Shaqaale tirsan oo tayyo le iyo adeeg hufan