Gudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawlada ayaa daah-furay tijaabadii u dambaysay ee qalabka lagaga hortagayo shaqaalaha loo yaqaan caaglaha ee sida khaldan u qaata mushaharka qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa Facebook ayaa u dhignaa sidan
“Waxaanu maanta tijaabadii u dambaysay ka qaadnay qalabka casriga ah ee caaglaha “Ghost Workers” shaqaalaha lagaga qaban doono, arintan ayaana meesha ka saari doonta cid walba oo laba meelood isku dayi jirtay in ay ka mushahaar qaadato “Double payroll” sidoo kalena si cilmiyaysan u soo ogaan doonta tirada rasmiga ah ee shaqaalaha dawladda.
– Tirintan ayaa sahli doonta in shaqaalaha la tayyeeyo sidoo kalena waxaa si dhab ah u soo bixi doonna baahida jirta ee shaqo , iyadoona albaabka u furi doonta in shaqaale tiro badan la qaato kuwaas oo ku salaysan baahi qoran oo waajibaadkeedii wadata “TOR”
– Qalabka bu’da isha lagu sawirayo “Iiris Recognition Technnology” iyo midka summada farta dheegaya “Finger Prints” ayaa dhammaad u noqon doona madax-tiris dambe iyadoona meesha ka saari doonta shaqaalaha aan aan jirin ee dhoofay ama dhintay lakiin wali miisaaniyada ku jira
– Waxaa sidoo kale shaqaalaha dawladda loo samayn doonna aqoonsi “ID card” kaasi oo wax badan ka anfici doonna isagoona noqon doona ugu dambaynta midka ay mushaharkooda baanka kaga qaadan doonnaan.
Hay’adda Shaqaalaha Dawlada oo isbedel wayn ka muuqdoo ayaa maalintii shalay soo bandhigtay shaqaalihii ka hawl gali lahaa mashruuca tirakoobka shaqaalaha oo dhawaan ay imtixaan kaga soo xulatay shaqo doon badan.