Waxaa shalay soo dhamaaday qabashada codsiyada dhammaan tartamayaasha doorkan diyaarka u noqday in ay u fadhiistaan tartanka loo gelayo 21-ka kaalmo shaqo ee maalmaha tirsan hay’adda shaqaalaha dawladda kala shaqayn doonna madax-taabashada shaqaalaha dawladda
– Waxaa bushaaro iyo fursad ah in tirada imika soo xaraysatay aanay mar dambe soo xaraysan doonin baahin shaqo oo hay’adda shaqaalaha dawladdu baahiso balse xogtooda aan kaydin doonno iyadoo aanu kuliyado, jinsi iyo telefoon-ba kaydinay
– Gudoomiy sharmake oo ka warbixiyay kulankan ayaa sheegayayaa sii watay hadalkiisa wuxuuna yidhi
“Xogtan oo aanu si wanaagsan u habaynay ayaanu la wadaagi doonna cid walba oo u baahata shaqo doon diyaar ah kuwaas oo buuxiyey shuruudo dhamaystiran oo aanu macal sawirkoodii kaydiinay.
– Tartamada noocan ah ayaa cid walba noqotaa guulayste kuwaas oo tiro-na ku guulaysato shaqada halka inta hadhayna ku guulaysato waayo-aragnimada habka loo qaado imtixaamada shaqada iyo sidoo kale in ay doorkan u dheeraan doonto in xogtoodii loo kaydin doono oo aanay mar dambe u baahan doonin soo xaraysiga CV iyo sawir toona.
– Haddaba, dhamaan intii soo xaraysayay tartankan waxaa lagu wargelinayaa in maalinta Isniinta ee bishu tahay 01/01/2018, saacaduna tahay 7:30Am Subaxnimo ay diyaar ku soo noqdaan Jaamacada Hargeysa, halkaas oo tartanku ka qabsoomi doonno Insha Allah.
Ogow qadarka iyo quudku waa mid la qoray kahor intaadan dunidan iman, ku soo kalah; rejo, duco iyo kalsooni
F.G- waxaa ka reeban qof aan horay u soo xaraysan in uu goobta yimaado, waxaa qof walba ka horeeya sawirkii uu ku soo xaraystay.
Dhinaca kale waxaa goor dhawayd maamulka Hay’addu soo gabogabeeyay kala hufida iyo habaynta araajidii codsadayaasha , “nasiib wanaag qof walba oo soo xaraystay uu buuxiyey shuruudihii looga baahnaa “Ma jiro Shortlist” Waxaa kala saari doonna imtixaanka oo noqon doonna mid lagu kala baxo” ayuu yidhi Gudoomiye Sharmaake Geelle