Hay’adda Shaqaalaha Dawlada oo shaacisay Shuruudaha Laga Rabo Shaqaalaha Dawlada ee la Diwaangalinayo + Sawiro

0
357

Hay’adda Shaqaalaha Dawlada somaliland ayaa soo afmeertay diyaargarowgii ay mudooyinkii u dambeeyay ugu jirtay tirakoobka shaqaalaha dawlada

Qoraal kooban oo gudoomiye sharmaake ku sharaxayo halkay wax u marayaan iyo shuruudaha laga rabo shaqaalaha dawlada waakan:

Diyaar-garowgii oo soo dhamaaday  iyo shuruudaha laga rabo Shaqaalaha  oo dhamaystiran.

– Iyadoo mudooyinkii u dambeeyey hay’adda shaqaalaha dawladdu ku hawalanayd qabyo-tirka qorshaha tirinta iyo tayyeynta shaqaalaha dawladda iyo carbinta hawl-wadeenada hawshan fulin doonna , ayaa waxaa  si dhamaystiran u soo gabo-gaboobay diyaaarinta,  tijaabada iyo gogol xaadhka hawshan quruxda qaranka u horseedi doonta

 

– Haddaba, adeege, si aad uga mid noqoto shaqaalaha la tirinayo si loo tayyeeyo isla markaana aanad goobta u iman adiga oo shuruudaha diiwagelinta qodobo kaa qabyo yihiin, fadlan halkan ka hubi shuruudaha aasaasiga u ah in aad hesho diiwaangelin dhamaystiran:

 

1. In uu xaashida jawdalka lacag bixinta (Payroll) ku jiro

 

2. In uu sito Kaadhka Aqoonsiga Muwaadinnimada Somaliland (National ID)

 

3. In uu sito Shahaadooyinkiisa Waxbarasho ee asalka ah (Original) oo looga baahan yahay shaqaalaha ku mushahar qaata darajooyinka A “Heer Jaamacadeed” iyo B “Dugsi sare’

 

4. Shaqaalaha ku mushahar qaata darajooyinka C iyo D ee u qalma darajo intaa ka sarraysa waa in ay la yimaaddaan shahaadooyinkooda waxbarasho ee asalka ah (Original) taas oo u horseedi karta in ay helaan derejo beddel.

 

Shaqaale Tirsan iyo Adeeg Tayyo le waa Hiigsiga Hay’adda Shaqaalaha Dawladda

 

#SomalilandCivilServiceReform