Hay’adda Shaqaalaha Dawladda iyo Wasaradda Waxbarashada oo is kaashanaya ayaa maanta Daahfuray imtixaanka Macalimiinta ku meelgaadhka ah ee gobolka Sanaag oo tiradoodu dhan tahay 718 macalin oo ka hawl gala Dugsiyada dawliga ah ee gobolka Sanaag
Masuuliyiinta Hay’adda Shaqaalaha Dawladda oo uu u horeeyo gud xigeenka iyo agaasimahasha guud ee Hay’adda Shaqaalaha iyo Wasaradda Waxbarashada ayaa faahfaahiyay imtixaanka maanta ay u fadhiisteen macalimiintan mudada dheer u adeegayay qarankooda waaxaay sheegeen in macalimiinta guulasta iyo kuwa kaleba xogtooda lagu hayn doono server ka shaqaalaha qaranka.