HORMOOD KU XUSNAA HIRGELINTII HAYBADA QARANKA XILDHIBAAN MUSTAFE AXMED C/LAAHI –XOOLOOW 1976-2015 (QALINKII CALI-MAHAD YUUSUF)

0
363

Intaanan u gudbin faalada iyo falanqaynta shaqsiyadii Saaxiibkay Mustafe Axmed C/laahi-Xooloow, oo waayihiisii Nololeed door muhiim ah ku lahaa Qaybo badan oo horumarinta adeegyada aasaasiga ah, iyo sidoo kale hanaankii  is-dhexgalka  dhalinyarada S/land oo  ahayd hawl aad u culus markay hirgashayna noqotay jaran jaradii koowaad ee loo maray amnigii iyo   Hubka dhigistii ka dhaqangashay   Geyiga S/land, aan sharaxaad ka bixiyo

Dareenkii shacbiga

Ducadii M/weynaha Qaranka

iyo Dul ahaanba siday ahayd  Axadii 9ka Ogos ee 2015,

markii la xaqiijiyey in  aasku Xagga Hargeysa ka dhacayo Magaalada B/bera waxaa ka bilowday ambabax iyo safar dhinaca caasimada loogu kicitimay tiro aad u badan oo ah shacabka magaalada, maamulka heer gobol, heer deegaan laamaha dowlada, hay’adaha madaxa banaan. Shirkadaha gaarka loo leeyahay,looma kala hadhin, xadiga tiradaasna waxaa cadayn u ahayd sida ay u  madhnaayeen meelo badan  oo mashquul ahaa iyo goobo adeega bulshada  ku shaqa lahaa oo Gelin hore albaabada loo laabay.

Waxaa kale oo muuqaal nooc kale ah yeelatay,wadada laamiga ah ee dhinaca Galbeed uga baxda Magaalada B/bera, oo Baabuurtii aaska u socotay  saxmadoodii si weyn u mashquulisay,  meelo dhawr ah oo wadadu cidhiidhi ka noqoto ayaana dareewalada  Gawaadhida  dhinaca Hargeysa ka timi waday ay Jidka uga baxeen oo wadada dhinaceeda istaagaan si ay u gudbaan Baabuurta  Aasku usocotay.

Madasha Aaska oo ahayd Xabaalaha Naasa Hablood ee Magaalada Hargeysa  waxa  waqti aad u yar buuxdhaafiyey kumanaan qof oo kasoo baqoolay Xeebta Berbera iyo deegaanada ku xeeran, balse umadda ku dhaqan caasimadda Hargeysa  oo aad uga badnaa dadka Berbera ka yimi madax iyo Mijaba umay kala hadhin Gelbiska iyo Aaska  labada marxuum

Masaafada u dhexaysa goobta laga qaaday Meydka oo ahayd xaafad u dhow halka ay ku taalo Idaacada Radio Hargeysa ilaa Xabaalaha Naasahablood, waxaa sanka isku hayey Baabuur tiro badan ilaa intii laga gaadheyay Qubuurahaasina qof kasta oo Gaadiidkaa xidhiidhsani  dhinac martaaba wuxuu raacinaayey Ducada meytida  In Allaha raxmaanka ahi u dalaalimeeyo  Janadul Fardowsa, Qubuurahaa Naasa-Hablood ee laga qodayey Xabaalaha  oo la ceeryoomaysay Kumanaan muslimiin ah Jawigu wuxuu ahaa mid aamusan  tiraabta keliya ee la maqlayeyna waxay ahayd Alle bari iyo Duco loo hadaynayey Meytida, markalena Salaadii Jinaasada ee labadaasi marxuum oo qiyaas aan cadadkeeda lasoo koobi karin oo Muslimiin ahi ku tukadeen ayaa iyaduna ahayd astaan khayrkeeda leh,

Gabagabiidii intaan laga soo dareerin Xabaalaha marxuumiinta waxaa saxaafada la hadlay dad badan oo kamid ahaa asxaabtii iyo dadkii aqoonta u lahaa Xildhibaan Mustafe Axmed C/laahi-Xoolow, oo ka waramay shaqsiyadii iyo dabeecadihii marxuumka waxaanay qireen inuu ahaa Adoon Saalax ah oo ehlu cibaado ah dabeecad iyo dad la dhaqan wanaagsan leh, Deeqsi gacan furan,  wax badana ka taray danta guud, khalqiga kumanaanka ah ee kasoo xaadiray Jinaasada,  dareenka dalka gudihiisa iyo debedba saameeyey waxay ahayd Markhaati si miisaanleh u cadaynaya meeqaamka iyo muga umadiisa, uu ku dhex lahaa, xidigaa xijaabtay wararkii Duhurnimo ee saxaafada Qaybeheeda kala duwan sida  Telefishinada, Idaacadaha,iyo Shabakadaha wararka  Qodobkii u horeeyay ee ay warkooda ku fureen wuxuu  noqday Dhambaal Tacsi iyo duco ah  oo ka yimi M/weynaha JSL Md Axmed Maxamed Siilaanyo, intii aan  Nasiibku ku simin ee warkaasi seegayna  dhambaal sidaha shirkadda Isgaadhsiinta  TELSOM. AQOONMAAL ayay ka heleen warka  qoraalkaas oo u dhignaa

“M/weynaha S/land  Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu  tacsi u dirayaa Goleyaasha Deegaanka Gobolka Saaxil, Qoyskii Ehliyadii, Qaraabadii Asxaabtii iyo Shacbiga S/land oo uu ka tacsiyadaynayo Geeridii ku timid Marxuum Xildhibaan Mustafe Axmed C/laahi-Xooloow oo Saaka ka dhacay Qadhiidha oo u dhexaysa B/bera iyo Hargeysa 9/8/2015. Sidoo kale waxa uu M/weynuhu tacsi u dirayaa Marxuum Xuseen Saleebaan Garas oo xildhibaanka ku wehelinaayey  Safarka kuna Geeriyooday shilkaasi halka dhaawac soo gaadhay wiil uu dhalay xildhibaanka  Geeriyooday oo M/weynuhu  Alle uga baryey inuu Caafimaad sareecana siiyo una fududeeyo dhaawaca soo gaadhay Aamiin Aamiin

Qabtii Labaad Si joogta ah u soco

QALINKII CALI-MAHAD YUUSUF