Gudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawlada Sharmake Geelle oo goobjoog u ahaa imtixaankii hay’addu ka qaaday ardaydii shaqo-doonka ahaa ayaa jawi wanaagsan ku soo dhamaaday iyadoo natiijadana la soo dhejin doono saacadaha soo socda.
Gudoomiye Sharmaake oo qoraal kooban kaga warbixiyay imtixaanka la qaaday maanta ayaa yidhi
“Imtixaankankii iyo xog qabadkii hay’adda shaqaalaha dawladdu ka lahayd ujeedo ka fog helida 21 guulayste ayaa mahad Alle si wanaagsan u soo dhamaaday
Illaahay fadligii waxaa si wanaagsan u soo dhamaaday imtixaankii loo galay tartanka shaqaalaha naga caawin tirinta iyo tayyeynta shaqaalaha dawladda
– Ka sakow tirada guulaysan doonta waxaa hay’adda shaqaalaha dawladda maanta wixii ka dambeeya u suuro-gashay helida tiro ku filan in lagu bilaabo barnaamijka “kaydka shaqo-doonka” kaasi oo shaqo-doonkana u fududayn doonta in aanu kolba shaqo soo xaraysan halka hay’addana ay u sahli doonto imtixaamo xirfad gaar ah uun ku kooban “Tailored Examinations”
-Walaw maaraynta tirada tartamayaashu hawl badnayd maadama aanan u xidhin xirfad ama kuliyad gaar ah taasi oo ay keentay in shaqadani aanay ahayn mid aqoon gaar ah u baahnayd oo ay keliya qabanayaan enumeration haddana si wanaagsan ayaa loo maareeyey iyaguna isku maamuleen
-Waxa sidoo kale shaqo-codsadayaashii maanta ay heleen fursad ay isku tijaabiyeen si meelaha ay arkaan in ay ku hooseeyan kor isaga soo qaadaan
-Alle ka sakow waxaan u mahadcelinayaa cid walba oo si uun gacan uga gaysayay hawshan waxaanan bogaadinayaa shaqo doonkii maanta sida rejada,aqoonta iyo dedaalku ka muuqday imtixaanka u gelay
Degdeg ayaan natiijada u soo saari doonnaa Insha Allah”
Shaqaalahan ayaa ka shaqayn doona tiro koobka shaqaalaha dawlada oo dhawaan hay’addu bilaabi doonto.