Jaamacadda Frantz Fanon waxay gaadhay guulo waa weyn muddadii u dambeysay. Jaamacaddu waxay soo saartay laba dufcadood oo dhakhaatiir takhasus sare leh, kuwaas oo takhasuska ku sameeyey iskaashiga Jaamacadda Madaniyat Istanbul ee dalka Turkiga iyo jamacad frantz fanon university, taas oo kor u qaadaysa adeegyada caafimaadka dalka.
Sidoo kale, jaamacaddu waxay heshay aqoonsi caalami ah oo ay ku jiraan ECFMG ee dalka Maraykanka iyo World Directory of Medical Schools. Aqoonsigan ayaa ardayda u sahlaya inay galaan imtixaanka Maraykanka ee USMLE, si ay fursado horumarineed uga helaan caalamka.
Guulahan ayaa muujinaya dadaalka Jaamacadda Frantz Fanon ee ku qotoma tayeynta waxbarashada caafimaadka iyo taageerada ardayda mustaqbalkooda.