Marka la eegayo dhinaca taranka ee waddan kasta, lammaanuhu waxa uu u baahan yahay in ay u dhashaan ugu yaraan labo carruur ah, taasoo ah celcelis ahaan 2.1, si aysan hoos ugu dhicin tirada guud ee shacabkooda, iyadoo aysan xisaabta ku jirin dadka ka qaxaya waddankaas.
Lixdankii sano ee lasoo dhaafay aad ayay hoos ugu dhacday tirada taranka bani’aadamka, sida ay shaacisay Hay’adda Wadashaqaynta Dhaqaalaha iyo Horumarka (OECD).
Kuuriyada Koonfureed ayaa noqotay dalka ay tirada ugu yar ee carruurta ah ku dhashaan, marba marka ka dambaysana tiradaas ayaa hoos u sii dhacaysa.
Hase ahaatee, Soomaaliya waxay meel sare uga jirtaa liiska dalalka ay carruurta ugu badan ku dhashaan, sida ay muujisay xog-ururin ay sameeyeen hay’adaha World Population Review iyo Macro Trends.