Komishanka Mihnadlayaasha Caafimaadka ee Qaranka Jsl, Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Ciidanka Sodaalka

0
13
Komishanka Mihnadlayaasha Caafimaadka ee Qaranka Jsl, Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Ciidanka Sodaalka, Wasaaradda Maaliyadda iyo Xafiiska gobolka Maroodi-jeex ayaa maanta si wadajir ah u sameeyey kormeer ay ku tageen goobaha bixiya adeegyada caafimaadka ee Ilkaha.
Ujeedada kormeerkan ayaa ahaa mid lagu ogaanayay in ogolaanshaha shaqo ay haystaan xirfadlayaasha goobahaas ka hawlgala, inay buuxiyeen shuruudihii looga baahnaa iyo in lagu hubinayay badqabka tayada goobtaas caafimaad iyo qalabka yaala ba.