Kulan dhexmaray masuuliyiinta sare ee Waxbarashada iyo qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiillada

0
2
Kulan dhexmaray masuuliyiinta sare ee Waxbarashada iyo qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiillada
Waxaa maanta kulan muhiim ahi uu ka qabsoomay hoolka shirarka ee Wasaaradda Waxbarashada, Barbaarinta iyo Sayniska. Kulankan oo ahaa mid xog-wareysi iyo wadatashi ah ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray xaaladda waxbarashada dalka, guulaha la gaadhay, caqabadaha jira iyo xalalka suuragalka ah.
Kulanka waxa hoggaaminayay Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Waxbarashada Mudane Maxamed Yusuf ibraahim Faacuul, waxaana ka qaybgalay la-taliyeyaal, agaasime-waaxeedyo iyo madax xafiisyo kala duwan oo ka tirsan wasaaradda. Sidoo kale, kulanka waxa goob joog ahaa xildhibaanada Golaha Wakiillada ee arrimaha bulshada, oo ay ka mid ahaayeen mudane Gudoomiye ku xigeen ka arriamah bulshada Axmed Cabdirakiim Ducaale, Xirsi Cabdillaahi Xirsi iyo xubno kale caydiid Xirsi Caydiid.
Intii kulanku socday, masuuliyiinta Wasaaradda ayaa xildhibaanada u soo bandhigay warbixin dhammaystiran oo ku saabsan horumarka waxbarashada barnaamijyada socda iyo qorshayaasha mustaqbalka. Waxa kale oo lagu falanqeeyay caqabadaha horyaalla, waxaana la isla gorfeeyay xalal wax ku ool ah oo looga gudbi karo.
Dhankooda, xildhibaanada ayaa talooyin ku wajahayeen masuuliyiinta wasaaradda la wadagaya, iyagoo ku boorriyay inay sii xoojiyaan dadaallada lagu horumarinayo waxbarashada dalka. Agaasimayaasha iyo madaxda waaxyaha ayaa halkaasi suaalo iyo sharaxaad ku saabsan arrimaha bulshada la weydiiyay xildhibaanada.
Kulanka ayaa ku dhammaaday isfaham iyo wada-tashi lagu adkeynayo iskaashiga ka dhexeeya Wasaaradda iyo Golaha Wakiillada gaar ahaan xubnaha arrimaha bulshada si loo xaqiijiyo horumar waara oo dhinaca waxbarashada ah guud ahaan dalka.
Xafiiska Warbaahinta Ee WWB&S.