“Kulmiye Guul Uma Aha Inuu Waayo Masuul Qiimo Ku Leh Deegaanka Uu Kasoo Jeedo, Kumaan Farxin Dhawaaqaa Maayir Cabdale Ee Inuu Kulmiye Gabi Ahaanba Ka Baxay” W/Q Maxamuud Axmed Baar-cad

0
398

Maxamuud Axmed Baarcad oo ka mid ah Aqoonyahanka Da’da yar ee  sida wayn u taageera Xisbiga kulmiye ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in Mudane Cabdale Sandheere ku qanci waayo siyaasada xisbigiisa Kulmiye , isagoo ka hadlaya ayuu bartiisa Facebook kusoo qorey maqaal kooban oo u dhignaa sidan :-

” Kulmiye guul uma aha inuu waayo Masuul qiimo ku leh deegaanka uu ka soo jeedo, kumaan farxin dhawaaqaa Maayir Cabdale ee inuu Kulmiye gabi ahaanba ka baxay. ”

waxa kale oo intaa sii raaciyey inuu qirayo awooda shakhsiyadeed ee Ex Maayir Cabdalle ku dhex lahaa guud ahaan gobolka Saaxil isagoo u rajeeyey nasiib wanaag dhanka mustaqbalkiisa ah wuxuuna yidhi :-

“Cabdalde Sandheere waa maayirkii hore ee degmada Berbera miisaan culus ayuu Saaxil ku leeyahay, aad ayaan uga xumahay walahi inuu Xisbigayga ku qanci waayo, kaliya waxaan ogahay qadarinta loo hayo iyo sida uu masayr ummadeed u matali karo nasiib Wacan Adeer. ”

 

 W/Q Maxamuud Axmed Baar-cad