Ma Dhabaa In Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Diinta Iyo Awqaafta Sheekh Saleebaan Siciid Cali Uu Iskacasilayo Xilkii Uu Uhayay Xukumada Siilanyo Kuna Biirayo Xisbiga Mucaaradka Ah Ee Waddani?

0
303

Berbera (Ceelgardinews.com)-Warar hoose oo soo baxaya ayaa waxay sheegayaan in Maalmaha Soo socda uu Iska casili doono Xilka Uu Xukumada Axmed Siilanyo uhayo Agaasimaha Guud ee Wasaarada Diinta Iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Saleebaan Siciid Cali oo kamid ahaa Raga ugu dadaalka Badan Xisbiga Kulmiye Iyo xukumadiisaba islamrkaana xilal kala duwan oo uu kamid yahay Maareyaha Haamaha shiidaalka Berbera kasoo qabtay xukumada Siilanyo iyo xilka uu hada hayo ee Agaasimaha Guud ee Wasaarada Diinta Iyo Awqaafta oo la sheegayo inuu Iskacasilayo xilka iyo Xubinimada Xisbiga Kulmiye Kana Huleeli doono.

Warka Iscasilaada oo aan la xaqiijin ayaa waxa la sheegayaa inuu salka Kuhayo Xidhiidhkii Xukumada Iyo xisbiga Kulmiye ee Wadaadkan oo waayadan danbe aan wanaagsanayn xumaadayna taasina ay soo qadintay inuu Xilkaas iyo xubinimadii xisbigaba Iskacasilo.

Sidoo Kale Sheekh Saleebaan oo kamida ahaa raga ugu aftahansan ee ku fiican dhinaca ololaha ee Xisbil Xaakimka Kulmiye ayaan waayadan danbe lagu arkin fagaarayaassha Xukumada Iyo Xisbiga Kulmiye isaga oo dhex jooga inta badana waxa uu wakhtigiisa ku qaataa magaalo Xeebeeda Gobolka Saaxil ee Berbera isaga oo Gacmaha ka laabtay Xukumada iyo Xisbiga Kulmiye hawlohooda.

Warar kale ayaa iyaguna waxay sheegayaan in Sheekha Laga Saaray Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye sidoo kalena lagu dariwaayay Gudida ololaha Xisbiga Kulmiye ee Gobolka Saaxil oo sheekhu qud daraynaayay talaabada lagaga reebayna uu ka biyo diiday iyada oo la sheegayo in aanay marnaba isku san banaanayn Musharaxa Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi cabdi Iyo Sheekh Saleebaan Siciid Cali Agaasimaha Guud ee Wasaarada Diinta Iyo Awqaafta.

Tuhunkan Sheegaya inuu Agaasimaha Guud ee Wasaarada Diinta Iyo awqaaftu Iscalayo ayaa lala xidhiidhiyay inuu jiro Heshiis hoose oo dhexmaray sheekha iyo Musharaxa Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillahi Ciro kaas oo ka faaiidaystay habacsanaanta Xisbil xaakimka Kulmiye iyo goldaloolooyinka Xukumada wakhtigeedu gabaabsiga yahay ee Siilanyo Madaxda kayahay sidoo kale waxa ay Sheekh Saleebaan Xidhiidh Dhaw oo Saaxiibtinimo wadaagaan Mayar Cabdalihii Hore ee Berbera oo dhawaan ku biiray Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani taasina waxa La sheegay inay Qeyb katahay tashkiilinta Sheekh iyo Ku biiritaankiisa Xisbiga Waddani oo la filayo inuu Ku Biiro Maalmaha soo socda.

Sheekh Saleebaan Siciid Cali Agaasimaha Guud ee Wasaarada diinta Iyo Awqaafta oo aanu Wax Ka weydiinay inuu Iscasilayo Kuna Biirayo Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani ayaa ku jawaabay”Aanagu Hadaanu Masuuliyiinta Xukumada Nahay Axmed Siilanyo ayaanu Ushaqaynaa Hadii uu Maanta Musharax Ahaan lahaana waanu U ololayn Lahayn Hase Yeeshee Axmed Maaha Musharax Waana Kii Iskii Isaga Tanaasulay Markaa Nin Kasta Cidii uu doono ayuu Raacayaa Khasabna Maaha In aanu Kulmiye Iyo Musharaxiisa Raacnaa”Hadalka Sheekha ayaa Umuuqda inuu Marag cadyahay Inuu Ku Biirayo Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Maadama oo uu sidaas Uhadlayo.

Waxa kaloo Iyana Jirta in Beesha reer Cadaawe Ee Masuulkani Kasoo Jeedaa intooda Badani Ku biireen Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani.

Sheekh Saleebaan Siciid Cali ayaa Xukumada Siilanyo ka hor ahaan jiray Isuduwaha Wasaarada Diinta iyo Awqaafta Gobolka Saaxil Mudo 7 todoba Sanadood Ku siman Xiligii Xukumada Udub ee Dahir Rayaale Kaahin hogaaminaayay Waana Xisbiyahan Yaqaana Qaabka Dadweynaha Codka Bixiya loola hadlo Sidoo kale Xiligii uu ahaa Maareyaha Haamaha shiidaalka Berbera waxa uu ahaa Masuul kaalmo af iyo adinba ah ka gaysan jiray dadka Jilicsan ee Kudhaqan degmada Berbera iyo Guud ahaan Gobolka Saaxil.

Sheekh Saleebaan Siciid Cali Markasta waa uu umahad naqaa Madaxweyne Siilanyo iyo qoyskiisa Hase yeeshee waxa uu ku doodaa in aanu Ku khasabanayn inuu Musharax Muuse Biixi Cabdi Raaco hadiiba Uu Axmed Siilanyo Tanbaasulay oo aanu Musharax ahayn.

 

(Sawirkani Waa Sheekh Saleebaan Oo Cabdiraxmaan Ciro Gacan Qaadaya)

Sida aad sawiradan Ka arkaysaa Sheekh Saleebaan Siciid Cali Agaasimaha Guud ee Wasaarada Diinta Iyo Awqaafta Iyo Musharax Cabdiraxmaan Ciro ayaa goobo Badan si niyadsamiya isugu Qaabilay Waxaana La odhan karaa waa rag Hore balan ulahaa oo Xaalada Hada sheekha Kaga Timi Xisbigiisa Iyo xukumada Uu ka Tirsanyahayna ay soo qadintay.

Xigasho : Berberatoday.com