Maamulka Dawladda hoose ee degmada Ceerigaabo ayaa si rasmi ah u bilaabay dhismaha waddooyin cusub oo muhiim u.ah isku xidhnaanta magaalada

0
5
Maamulka Dawladda hoose ee degmada Ceerigaabo ayaa si rasmi ah u bilaabay dhismaha waddooyin cusub oo muhiim u.ah isku xidhnaanta magaalada iyo isu socodka gaadiidka, kuwaas oo qayb ka ah qorshaha ballaadhan ee lagu horumarinayo magaalada.
Maayet ku xigeenka Maayirka degmada Ceerigaabo ahna ku-simaha Maayirka, Mudane Cabdiraxmaan Gaadhijiid, iyo ku-simaha Xoghayaha Dawladda Hoose ee Ceerigaabo, Xasan Maano, ayaa saaka kormeer ku tegay goobaha dhismaha si ay ugu kuurgalaan sida hawshu uga socoto.
Mashruucan oo ay hirgelinayaan maamulka degmada Ceerigaabo ayaa lagu doonayaa in lagu hagaajiyo isu socodka bulshada, lagu kordhiyo bilicda magaalada, isla markaana lagu abuuro fursado dhaqaale oo cusub. Dhismaha waddooyinka cusub ayaa loo arkaa tallaabo muhiim ah oo lagu dhisayo magaalo casri ah oo la jaanqaadi karta baahiyaha sii kordhaya ee bulshada.