Maamulka Degmada Tog-Wajaale ayaa maanta la qaatay kulan muhiim ah qaar kamid ah Ganacsatada iyo Gudida Horumarinta Deg. Wajaale.
Kulankan balaadhan oo ka dhacay hoolka shirarka ee dawlada hoose ee Wajaale ayaa lagaga arinsanayay sidii loo horumarin lahaa jidadka (Wadooyinka) magaalada oo baahi wayn loo qabo, gaar ahaan suuqa Wajaale wixii aan wado dhisnayn.
Maamulka Deg. Tog-Wajaale oo si faahfaahsan usoo bandhigay qorshaha kulanku daarnaa ayaa falaqayn dheer kadib, waxa la isla qaatay in lasameeyo gudi kooban dabagal ku samaysa qorshaha iyo qodobada lagu heshiiyay.
Qorshahan ayaa noqonaya mid ay bulshada magaaladu ka tahay hormood sidii ay uga qaadan lahaayeen dhismaha wadooyinka badhtamaha suuqa Wajaale hab iskaashi dhexdooda ah.