Maayarka magaalada Burco Mudane Maxamed Xirsi Axmed, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Maayarka magaalada Sheffeild ee UK Marwo Safiya Siciid Barbaraawi oo wefti ay

0
11
Maayarka magaalada Burco Mudane Maxamed Xirsi Axmed, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Maayarka magaalada Sheffeild ee UK Marwo Safiya Siciid Barbaraawi oo wefti ay hoggaaminayo oo muddooyinkii dambe ku sugnaa dalka.
Labada dhinac ayaa ka wada hadlay iskaashiga Sheffeild iyo Burco, gaar ahaan dhinacyada horumarka, kaabeyaasha dhaqaalaha iyo iswaydaarsiga waayo-aragnimada, iyo kor u qaadista aqoonta iyo tobabarada shaqaalaha.
Kulanka, waxa ay kormeer ku tageen xarunta Dab-demiska ee Burco, Dhakhtarka weyn iyo sidoo kale Jaamacadda Burco halkaas oo iyaga na lagu siiyey warbixino kala duwan iyo hawlaha shaqo ee ka socda iyo weli ba sidoo kale waxyaabaha la iska kaashan karo.