Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay wefti heer sare ah

0
4
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay wefti heer sare ah oo ay hoggaaminaysay Wakiilka Midowga Yurub (EU) u qaabilsan arrimaha Geeska Afrika iyo Badda Cas, Marwo Ambassador Annette Weber.
Kulankan ayaa ahaa mid diiradda lagu saaray xoojinta is-kaashiga iyo wada-shaqaynta u dhaxaysa Jamhuuriyadda Somaliland iyo Midowga Yurub (EU).
Ugu horrayn, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu Wakiilka gaarka ah iyo weftigeeda uga mahad-naqay booqashada taariikhiga ah ee ay ku timid Somaliland. Sida oo kale, Madaxweynuhu waxa uu ka mahad naqay taageerada iyo kaalmooyinka horumarineed ee ay Midowga Yurub u fidiyaan Somaliland, gaar ahaan dhinacyada Maamulka iyo dhisidda hay’adaha Dawliga ah, kaabayaasha dhaqaalaha, waxbarashada, biyaha, sugnaanshaha cuntada, xoojinta arrimaha dimuqraadiyadda, Degaanka iyo Isbeddelka Cimilada.
Intii uu socday kulanku, Madaxweynuhu waxa uu Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Yurub Marwo Annette Weber u xaqiijiyey sida hagar la’aanta ah ee ay Dawladda Somaliland uga go’an tahay ilaalinta nabada, xasiloonida iyo nidaamka dimuqraadiga ah ee mandaqadda Geeska Afrika.
Madaxweynuhu waxa uu Wakiilka Midowga Yurub u sheegay in ay Xukuumadiisu mudnaanta koowaad siinayso adkaynta nabadda iyo samo-ku-wada noolaanshaha dhammaan ummadda reer Somaliland, isaga oo tilmaamay guulaha wax-ku-oolka ah ee ay Xukuumadda cusubi ku tallaabsatay muddadii koobnayd ee ay xilka haysay; sida fidinta gogol nabadeed oo bilaa shuruud ah Bariga Gobolka Sool, daminta colaadihii ka jiray gobolka Sanaag iyo Qaramaynta Ciidamada Madaniga ah in ka badan 6,000 oo qof iyo hubkoodii iyo gaadiidkoodii, hawshaasi oo aan Somaliland cidina ka caawinin.
Dhinaca kale, Madaxweynuhu waxa uu si cad u tilmaamay doorka amni iyo ka istiraatijiyadeed ee ay Jamhuuriyadda Somaliland ku leeyahay sugidda amniga Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, maadaama ay Somaliland tahay dal xuduud ahaan marrin-biyoodkan ku leh xeeb uu dhererkeedu yahay in ka badan 800 oo KM, taasina ay lagama maarmaan ka dhigayso in aan Somaliland indhaha laga lalin karin.
Iyaduna dhinaceeda, Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan Geeska Afrika iyo Badda Cas, Marwo Annette Weber, waxa ay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland uga mahad naqday qaabilaadda diirran booqashadeeda taariikhiga ah ee ay ku timid Somaliland. Waxa ay Madaxweynaha Somaliland ku ammaantay samo-talisnimada iyo hoggaamintiisa waayeelnimo, iyada oo ay Somaliland ku taallo gobol ay ka jiraan colaado iyo xasillooni darro.
Dhinaca kale, Wakiilka Midowga Yurub waxa ay Somaliland ku bogaadisay nabadda, xasilloonida iyo hannaanka dimoqraadiyadda qaan-gaadhka ah ee ka jira Somaliland, iyada oo muujisay sida ay Midowga Yurub diyaarka ugu yihiin in ay Somaliland wax la qabtaan, iyada oo la sahaminayo dariiqooyin lagu xoojinayo iskaashiga u dhexeeya labada dhinac, si loo xaqiijiyo himilooyin la wadaago oo waara.
Guntii iyo gabagabadii, labada dhinac waxa ay isla garteen baahida loo qabo in la sii xoojiyo iskaashi dhab ah oo u dhexeeya labada dhinac iyo aragti wadaag ku aaddan nabad waarta iyo horumar loo dhan yahay oo ka hirgala Geeska Afrika iyo gobolka Badda Cas.
,
()