Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo Kormeer ku tegay xarunta guud ee Booliska. Hargeysa-19-01-2025-(Warbaahinta Madaxtooyada)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa maanta kormeer shaqo ku tegay xarunta taliska guud ee ciidanka Booliska

0
4
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo Kormeer ku tegay xarunta guud ee Booliska.
Hargeysa-19-01-2025-(Warbaahinta Madaxtooyada)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa maanta kormeer shaqo ku tegay xarunta taliska guud ee ciidanka Booliska, waxana halkaas kusoo dhaweeyey taliyaha ciidanka Booliska, sarreeye gaas Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale).
Ugu horrayn, Madaxweynuhu waxa uu salaan Sharaf ka qaatay cutub katirsan ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland, isaga oo kormeer ku sameeyey waaxaha kala duwan ee uu talisku ka kooban yahay.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo khudbad dhinacyo kala duwan taabanaysa halkaas ka jeediyey, ayaa ugu horrayn bogaadiyey dedaalka iyo naf-hurnimada ciidanka Booliska, waxana uu sharraxay ujeeddada kormeerkiisa maanta, waxana uu yidhi,“Waxa aan u socday inaan xogogaal u noqdo duruufaha iyo xaaladaha ciidanka ee wax-ka-qabashada u baahan iyo inaan dhegaysto talooyinkiinna iyo tilmaamaha aad ku darsanaysaan geeddiga isbeddelka iyo dib u habaynta ciidanka.”
Madaxweynuhu waxa uu ku dheeraaday ahmiyadda ciidanka Booliska iyo kaalinta uu bulshada kaga jiro waxana u uku tilmaamay hay’ad laf-dhabar u ah qaranka, “Boolisku waa waxa uu ka mid yahay hay’adaha halbowlaha u ah ammaanka muwaadinka, waana xubinta fulisa sharciga oo ah udub-dhexaadka dawladnimada, waxana jirta Odhaah caan ah oo tidhaahda, Boolisku waa saaxiibka daweynaha, waxana aan rajeynayaa inuu dhaqankaasi kamid noqdo dhaqanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland,” ayuu yidhi madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro
Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro waxa uu mar kale si cad u sheegay inuu fulin doono ballanqaadkiisii dhinaca daryeelka iyo ilaalinta agabka ciidanka Booliska iyo tayeyntoodaba, waxana uu yidhi, “Xukuumaddu waxay fulin doontaa ballantii aannu ku qaadnay inaanu wax ka beddelno noloshiinna, islamarkaana aanu horumarinno aqoontiinna iyo qalabkiinnaba, si loo kordhiyo awooddiinna fulinta sharciga iyo awooddiinna gabagalka iyo baadhista casriga ah.Waxa aad ciidamada qaranka kala mid noqon doontaan mushahar-kordhinta Boqolkiiba laba Boqol iyo Konton ee xukuumaddu fulin doonto muddo-xileedkeeda koowaad, sidoo kale, idinka iyo carruurtiinnuba waxa aad lacag la’aan ku heli doontaan daryeel caafimaad iyo waxbarasho dawladdu idin siiso, waxana aanu abuuri doonnaa jawi badqab oo aad ku shaqayn kartaan iyo dhawrsanaan sharci oo aan la idinku dhibaatayn Karin xilliga aad ku jirtaan waajibaadkiinna.”
Madaxweynuhu isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaas ku daray, “intaas oo jirta haddana marnaba lagama tegi doono isla xisaabtanka iyo in laga hortago xadgudub kasta oo muwaadinka kasoo gaadhi kara ciidanka, waxana aannu aaminsanahay in dib u habayn lagu sameeyo ciidamada Booliska si kor loogu qaado xirfadaha kala duwan ee Booliska, taas oo lagama maarmaan u ah nabadgelyada iyo badbaadada bulshadeenna.”
Ugu dambayntii, waxa uu kula dardaarmay inay bulshadooda ugu adeegaan sida ugu xilkasnimada badan, badqabadka iyo ammaanka shacabkana dhawraan.
Wa-bilaahi Tawfiiq
+64
All reactions: