MADAXWEYNIHII BRAZIL OO XIL KA QAADIS LAGU SAMEEYAY

0
283

Aqalka sare ee baarlamaanka dalka Brazil ayaa u codeeyay xil ka qaadista Dilma Rouseff, kadib markii lagu helay dambi iyo inay musuq maasuqday miisaaniyada dalkaas.

brazil

61 xubnood ayaa u codeeyay xil ka qaadista Ms Rouseff, halka 20 ay diiday, waxaana markii hore loo baahnaa in saddex meelood labo meel xilka looga qaadi karo.

Haweeneydan Madaxweynaha ka aheyd Brazil ayaa tan iyo bishii May shaqada laga fariisay, kadib markii laga keenay mooshin ka dhan ahaa.

Waxaa loo haystaa inay qarisay sida uu u xun yahay dhaqaalaha waddanka, ka dib markii ay wax ka badashay miisaaniyada.

Madaxweyne kuxigeenka Brazil Michel Temer ayaa maanta la filayaa in si rasmi ah xilka Madaxweynenimo loogu dhaariyo, kadib markii tan iyo bishii May uu si KMG ah xilka u hayay.

Ms Rousseff, oo ah madaxweynihii ugu horeeyay oo dumar ah ee dalka Brazil waxay sheegtay in dacwada ay tahay inqilaab ay samaynayaan siyaasiyiinta garabka midig.