Magaalada Berbera ayaa maanta martigelisay wafti heer sare ah oo uu hoggaaminayo Wasiirka Xannaanada Xoolaha ee Somaliland, Mudane Cumar Shucayb Maxamed.
Socdaalka waftigan oo ay qayb ka ahaayeen madax ka socota Baanka Dhexe iyo la-taliyayaal dhaqaale, ayaa diiradda saaray qiimeynta adeegyada Dekedda Berbera, gaar ahaan maaraynta badeecadaha, dhoofinta xoolaha, iyo hababka casriga ah ee kobcinta dhaqaalaha.
Maareeyaha dekedda Somaliland Cali Diiriye Axmed, ayaa weftiga siiyay warbixin dhammaystiran oo ku saabsan horumarka dekedda iyo fursadaha ay bixiso.
Kormeerkan ayaa lagu tilmaamay mid kor u qaadaya rajada ganacsiga dalka, isaga oo muujinaya sida iskaashiga hay’adaha kala duwan uu muhiim ugu yahay horumarka dhaqaale ee Somaliland.