Magaalada Hargeysa ayaa maanta si rasmi ah looga furay aqoon-is-weydaarsi heer sare ah oo diiradda lagu saarayo hababka

0
16

Magaalada Hargeysa ayaa maanta si rasmi ah looga furay aqoon-is-weydaarsi heer sare ah oo diiradda lagu saarayo hababka kala duwan ee nidaamyada doorashooyinka caalamka, iyadoo si qoto dheer loo isbarbardhigayo waayo-aragnimada iyo nidaamyada doorasho ee dalal kala duwan.

Aqoon-is-weydaarsigan oo socon doona muddo laba maalmood ah ayaa, waxaana ujeedadiisa ugu weyn tahay xoojinta hannaanka dimuqraadiyadeed ee Somaliland iyo sidii looga faa’iidaysan lahaa casharro iyo khibrado caalami ah si loo horumariyo nidaamka doorasho ee dalka.

Waxa ka qeyb galaya xubno ka kala socda Baarlamaanka Somaliland, khuburo dhanka sharciga iyo doorashooyinka ah, iyo wakiillo ka socda hay’adaha caalamiga ah ee taageera dimuqraadiyadda.

Aqoon-is-weydaarsigan waxa uu ka mid yahay taxane tababaro iyo dood cilmiyeedyo ah oo ay Hay’adda Max Planck Foundation ka taageerto Baarlamaanka Somaliland, si loo dhiso awoodda sharci-dejinta iyo fahamka guud ee nidaamka doorashooyinka.

Kulankan ayaa kusoo beegmaya xilli Somaliland ay isu diyaarinayso doorashooyin muhiim ah, waxaana la filayaa in nuxurka aqoonta laga helo aqoon-is-weydaarsigan uu gacan ka geysto tayeynta geeddi-socodkaas.