Magaalonimo iyo xaafadnimo in lagu codeeyo maanta ayaynu imtixaankeedi fadhina.

0
377

 

Magaalonimo iyo xaafadnimo in lagu codeeyo maanta ayaynu imtixaankeedi fadhinaa
‘………………………………………………………………….

Hadaad maqasho (Berberaawiyiin) ama Berberadii hore waa laba xaafadood ee Barwaaqo iyo Daaroole, dadka halkaas ku nooli ma laha qabiil iyo hayb ee waa dad isku dhaf ah oo jinsiyada walba leh sida Somali, Hindi iyo Carab iwm.

Dhaqan wanaagsan oo ah xaafadnimo iyo magaalo nimo iyo macruufad ah ayay leeyihiin, oo isku taakuleeyeen isugu hiiliyaan, oo aan anigu shaqsiga ahaan ugu hambalyeynayo.

Maanta dhalintii labadaas xafadood waxa Sharaxan Muse Maxamed Ali oo u sharaxan Gollaha Deeganka ee Degmada Berbera.

Musharx Muse ma laha hal tuulo oo reerkoodu dega oo ku taal gobolka Saaxil. Tuulooyinkiisu waa xaafadaha Magaalada Berbere gaar ahaan Daaroole iyo Barwaaqo oo sidii lagu yaqaan is muujin doono oo horseedi doona in xaafadnimo wax lagu doorto oo ah himilo aan mudo dheer ku taamayey inay mar uun suurto gasho, ama kala tegi oo mid hayb raaca iyo mid shilin raaca ayay noqon doonaan.

Soo dhawow Musharax Muuse Dawlad

Waxa Qoray Macalin Cabdiqaadir Fartaag