Magacaabista garsoorka waa in siyaasadda laga ilaaliyo.
Mar kasta oo isbedel xukuumadeed yimaaddo waxa la fishaa in la eryo garsoorayaasha, gaar ahaan dhamaan garsoorayaasha Maxkamadda Sare oo uu ku jiro Guddoomiyaha Maxkamadda Sare. Waxa ay dhacday waaggii uu xilka qabtay Madaxwayne Daahir Rayaale iyo xilligii Madaxwayne Axmed Siilaanyo. Tallaabooyinkaasi ma keenin wax isbedel raaga ah oo wax u tara dib u habaynta garsoor la mahaddiyo. Taas macneheedu maaha inaanu jirin wax horumar ah oo laga gaadhay dadaaladda, balse lama keenin isbedel dadku mahadiyo oo muuqda.
Hadda oo xisbi mucaarad ahi dalka qabtay waxa jirta filasho wayn oo laba weji leh. Midkood waa in dad badan oo doonaya inay xilal ka qabtaan garsoorku ay caddaadis iyo olole ugu jiraan xilalka garsoorka. Ta labaad, waa in shacabku filayo in xukuumadda cusubi isbedel ku samayso garsoorka.
Hadaba, iyada oo wax laga baranayo isku dayada hore loo sameeyey ee guuldaraystay, waxa anniga feker ahaan ila quman in madaxwaynuhu laba arimood yeello.
1. In aanu ku degdegin eriga madaxda garsoorka ee uu ka horaysiiyo inuu la yimaaddo qorshe dhamaystiran oo dib u habaynta garsoorka ah. Qorshahaasi waa inuu yahay mid sal balaadhan oo koobsanaya dhamaan qaybaha kala duwan ee garsoorku ka liicsan yahay. Waa inay ku jirtaa shuruduuha u dejisan dadka ay tahay inay garsoorka galaan. Qorsha dejintiisu waa inay leedahay muddo xadidan.
2. In aanu marna siyaasadayn magacaabista oo aanay noqon wax ku sallaysan qancinta reeraha. Waxa aan qabaan, si aan dheellitirka dawladdu dhinac ugu liican, in aanu u magacaabin guddoomiyaha Maxkamadda Sare qof beeshiisa ah. Taas waa daruuri u dan ah caddaladda. Haseyeeshee, mujtamaca kale ee balaadhan ee reer Somaliland qofka looga qaadanayo guddoomiyaha Maxkamadda Sare waa inuu noqdo qof ku yimi shuruudo adag ee aannu noqon wax saami loo siiyay reer islamarkaana waa inaanu noqon qof ka tirsan xisbi.
Garyaqaan Dafac