Fihiima Quuje , Shalay iyo maanta ”.
Marwo Fahiima Quuje waa inan Soomaaliyeed , marna waa dumaashiday maadaama aan gabadheeda adeer u ahay marna waa inan reer Somaliland ah oo aanu mar isku xisbi ahayn iyo isku siyaasad, maantase aanu kala aragti noqonay , beriyina waa ayaan kale siday noqon Ilaahay ayaa Oge .
Hadaba Fihiimi Quuje , waxaa na dhex maray labba sheeko oo aan is leeyahay waa laba Chapter oo taariikhiya , waa mida koobaade , Fihiima oo ah qof firfir coon oo dhiiran , ayaa maalin ka mid ah maalmaaha lasoo dhaafay waxay iisoo dirtay fariin kooban lkn nuxur ahaan wayn , waxaanay igu tidhi ” Axmadoow reerkiinu taariikh Lixle iyo Koodbuur ka danbaysay oo uu ku faano malleh , maanta ku gunto oo taariikh u samee ” . hadalkaas Fahiima af ahaan ugama jawaabin laakiin kolay ka jawaabay .
Maallintii shalay ahayd , oo aan ka hadlay Waftiga Mogdisho ka imanaya ee Laascaanood kusoo socda , waxay igu tidhi qoraal kooban oo ay barteeda facebook soo dhigtay ” Axmed guruuje weli ma kaftankii ayuu wadaa , miyaanu ogayn in ragga mararka qaar kaftanku ka xidhan yahay .
Hadalkaa maanta ee Marwo Fahiima Quuje anigu maanta qof ahaan awood aan kaga jawaabo ma lihi , keliya waa uun aan ka garaabayaa in kaftanku maanta iga xidhan yahay , beri se waa maalin kale , waxay noqona Ilaahay ayaa Og .
Ugu danbayn , Fahiima waxaan u gudbinayaa salaan qiime badan , waxaanan u rajaynayaa nolol wanaagsan , Waxaanan kusoo af meerayaa qoraalkayga , waa la isu soo noqon , wixii nool Aduunyadda .
Qore…Xildhibaan Guruuje



















