Marxuumkii Labaad Oo Kamid Ah Shaqaalaha Muruqmaalka Dekeda Berbera Oo Todobaad Gudihii Ku Geeriyooday Dekeda Iyo Sababta Dhimashadiisa Lala Xidhiidhiyay

0
333

Berbera ( Ceelgardinews.com) -Alle Ha Unaxariisto Marxuum Saleebaan Nuur Maxamed (Ina Gunti Gaab) oo Kamida ahaa shaqaalaha Muruqmaalka Dekeda Berbera ee Geelayaasha ayaa xalay Dekeda ku geeriyooday isaga oo naf la caari kala soo cararay sida la sheegay goobta uu ka shaqaynaayay oo ahayd Markab sibidh laga rogaayay isaga oo Marxuumku kusoo dhacay afaafka hore ee Dekeda Berbera laga galo halkaasna laga qaaday markii Cisbataalka La Geeyayna uu islamarkiiba Geeriyooday.

Marxuumka ayaa xiliga uu naf lacaariga layimi kadinka laga galo Dekeda weyn ee Berbra la sheegay in jidhkiisa uu ka muuqday sufurta iyo boodhka sibidhka uu ka shaqaynaayay Marxuumka Geeriyooday oo kamida ahaa xamaaliinta Dekeda Berbera.

Marxuumka ayaa la sheegay ka hor intaanu dhiman inuu biyo ka cabay isla goobtii dhawaan uu laydhku ku qabsaday  Marxuum Jaamac Ismaaciil Cali oo kamida ahaa isla shaqaalaha Muruqmaalka Dekeda Berbera ilaa hadana Maydkiisu yaalo oo shirkada DP Worldna diiday inay Magtiisda bixiso halka ay ehelada marxuumkaas horena ku doodayaan in Marxuumka laydhka Dekeda Berbera Qabsaday Magtii Marxuumkaasna lagu leyahay shirkada Dekeda Berbera Maamusha Ee DP World.

Qaabka uu udhintay Marxuumkani ayaan ilaa Hada la cadayn hase yeeshee waxa la sheegayaa inuu laba mid uun ugeeriyooday Labadaas siyaabood oo Kala ah Inuu udhintay sibidhka uu ka shaqaynaayay oo afka iyo sanka ka galay maadama oo aanu jirin qalab ay ka xidhaan Xamaalintu Markay rogayaan Badeecadaha Sibidhku kamid yahay oo ah mid sun ah oo caafimaadka dadka wax yesha iyo Inuu ugeeriyooday laydh ku qabsaday goobtii uu marxuumka horena ku qabsaday laydhku oo la sheegayo in wali waayiradii dabaysnaa sidoodii uyaalaan iyaga oo dabaysan Marxuumka xalay Geeriyoodayna uu isla goobtaas biyo kasoo cabay kuna soo hakaday ka hor intaanu ku dhicin kadinka Dekeda ee laga soo qaaday isaga oo naftu ka gurmayso.

Maydka Marxuumka xalay Geeriyooday ayaan ilaa hada La aasin oo Maydkiisa lagu kaydiyay talagada maydka ee Cisbataalka Berbera iyada oo Eheladiisuna ku doodayaan in wiilkoodu udhintay dhibaato kasoo gaadhay Dekeda Berbera carabkana ku dhuftay inuu Laydh ku qabsaday halkii uu hore ugu dilay laydhka Marxuum kamida ahaa shaqaalaha Muruqmaalka Dekeda Berbera mudo hada laga joogo lix maalmood.

Marxuumka xalay Ku Geeriyooday Dekeda ayaa Maydkiisu Kujiraa Talaaagada Maydka Lagu Keydiyo Ee Cisbataalka Berbera Halka Marxuumkii Ka horeeyayna uu Maydkiisa Loo qaaday dhinaca magaalada caasimada ah ee hargeysa Kadib markiui eheladiisu ku qanci waayeen baadhis ay sameeyeen dhakhaatiirta Cisbataalka Berbera oo sheegay inaanu laydh qabsan ilaa hadana lagula maqanyahay Cisbataalada hargaysa si loosoo cadeeyo inuu Laydh Qabsaday sidaasna ugeeriyooday.

 

 

 

Sorce : Berbera Today